HomeWararWararkii ugu dambeeyay Qarax khasaaro dhaliyey oo Nabadoono lagula beegsaday Boosaaso

Wararkii ugu dambeeyay Qarax khasaaro dhaliyey oo Nabadoono lagula beegsaday Boosaaso

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo galabta ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari gaar ahaan Maqaayad ku taalla wadada aada Garoonka diyaaradaha Magaalada, kuna dhow Aargada Maqaska. Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in qaraxa uu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago meelaha fog-fog, waxaana la […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo galabta ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari gaar ahaan Maqaayad ku taalla wadada aada Garoonka diyaaradaha Magaalada, kuna dhow Aargada Maqaska.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in qaraxa uu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago meelaha fog-fog, waxaana la sheegay in lala beegsaday Nabaddoono iyo dad kale oo u badan Rag, kuwaasi oo ku sunaa Maqaayada uu qaraxaas ka dhacay Maanta…

- Advertisement -

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku geeriyooday qaraxa, halka dhowaad 10 qof kalena ay ku dhaawacmeen qaarax ka dhacay Maqaayada, waxaana dadka dhaawacmay durbadii la geeyay Isbitaalka Magaalada, si xaaladdooda Caafimaad loogu dabiibo.

Dadka wax yeelada kasoo gaartay qaraxa miinada ahaa ayaa waxaa la sheegay inay ku jiraan Nabadoono shalay ka qayb galay kulan lagu taageerayey Wasiirka Qorshaynta Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Jamaal Maxamed Xasan.

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari oo isu diyaarinaysa doorashada 16-ka kursi ee deegaan doorashadoodu tahay ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay waxaa ka dhacayey qaraxyo lala beegsanayo meelaha laysugu yimado.

Latest stories