HomeWararMadaxweyne Cali Guudlaawe oo Amar kusoo rogay laamaha Amniga Hirshabeelle

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Amar kusoo rogay laamaha Amniga Hirshabeelle

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska qaraabada iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee ku naf waayay qaraxii Al-shabaab ay la beegsadeen Baar Xasan dhiif ee Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa amray laamaha kala duwan ee amniga inay xaqiijiyaan amaanka Magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar oo […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska qaraabada iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee ku naf waayay qaraxii Al-shabaab ay la beegsadeen Baar Xasan dhiif ee Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa amray laamaha kala duwan ee amniga inay xaqiijiyaan amaanka Magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar oo ay ka socdaan doorashooyinka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

- Advertisement -

Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Alle uga baryay Masuuliyiintii iyo shacabkii ku geeriyootay qaraxii Maanta in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, inta ku dhaawacantayna uu Eebbe u boogo dhayo.

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay qaraxa oo ay ku jiraan Mas’uuliyiin ka tirsanaa Hirshabeelle, Musharaxiin Xildhibaano iyo dad kale, halka 30 qof kalena ay dhaawacyo soo gaareen, waxaana mas’uuliyadiisa sheegtay qaraxaas Al-shabaab, iyagoona tilmaamay inay la beegsadeen Mas’uuliyiin iyo Saraakiil ka tirsan Hirshabeelle..

Qaraxaan ka dhacay Baladweyne ayaa waxaa uu kusii aaday, iyada oo maalinta berri ay Magaaladaas ka bilaabaneyso doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, waxaana lagu dooranayaa ilaa lix kursi.

Latest stories