HomeWararSafiirka Mareykanka iyo Taliyaha AFRICOM oo kulan gaar ah la yeeshay...

Safiirka Mareykanka iyo Taliyaha AFRICOM oo kulan gaar ah la yeeshay Taliye Odawaa

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Lary Andre iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM Jeneraal Stephen Townsend ayaa booqasho ku tagay Saldhigga Balli-doogle, halkaasoo xarun u ah Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kummaandooska DANAB. Safiirka Mareykanka iyo Taliye Stephen Townsend ayaa waxaa ay si wadajir ah kulan ula yeesheen Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Lary Andre iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM Jeneraal Stephen Townsend ayaa booqasho ku tagay Saldhigga Balli-doogle, halkaasoo xarun u ah Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kummaandooska DANAB.

Safiirka Mareykanka iyo Taliye Stephen Townsend ayaa waxaa ay si wadajir ah kulan ula yeesheen Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raagge, iyagoo ka wada hadlay arrimaha amniga iyo la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada.

- Advertisement -

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga arrinsaday taageerada Mareykanka ee ku aadan Ciidamada Xoogga dalka iyo tababarada Ciidamada, wuxuuna Taliye Odawaa Safiirka iyo Taliyaha AFRICOM ee qaaradda Afrika uga mahadceliyay booqashada ay ku tageen Balli-doogle.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Lary Andre iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa la tilmaamay inay kormeer ku tageen qeybo kamid ah Saldhigga Balli-doogle ee ku yaalla Gobolka Shabeellaha Hoose.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts