HomeWararKoox fallaago ah oo lagu eedeeyay dilka 160 qof

Koox fallaago ah oo lagu eedeeyay dilka 160 qof

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Maamulka gobolka Oromada ee dalka Itoobiya ayaa ku eedeeyay koox fallaago ah inay dileen in ka badan 160 qof oo rayid ah islamarkaana 87 meyd ay ku aaseen xabaal wadareedyo ku yaalla galbeedka gobolka. Ciidamada Xoraynta Oromada (OLA) oo inta badan ay dawladu ku eedayso inay ka dambeeyaan dilalka loo geysanayo dadka laga tirada badan […]

- Advertisement -

Maamulka gobolka Oromada ee dalka Itoobiya ayaa ku eedeeyay koox fallaago ah inay dileen in ka badan 160 qof oo rayid ah islamarkaana 87 meyd ay ku aaseen xabaal wadareedyo ku yaalla galbeedka gobolka.

Ciidamada Xoraynta Oromada (OLA) oo inta badan ay dawladu ku eedayso inay ka dambeeyaan dilalka loo geysanayo dadka laga tirada badan yahay ee ku nool gobolka ayaan ka jawaabin eedaymahan u dambeeyay.

- Advertisement -

Ururka ayaa horey u beeniyay inay weerareen dad rayid ah. Sida uu sheegay guddomiyaha deegaanka galbeedka Oromia, Ibsa Basha, ayaa sheegay in meydadka laga helay degmada Gidami kadib markii ciidamada dowladdu ay jabhadda ka saareen deegaannadii ay maamulayeen.

OLA, oo sanadkii hore isbahaysi la samaysatay ciidamada Tigreega ee dagaalka kula jira maamulka Raysal wasaare Abiy Axmed, ayaa ka hawlgala galbeedka iyo koonfurta Gooblka Oromiiya halkaas oo dhawaanahan dhacayeen isku hor imaadyo dhexmarayay ciidamada dawladda iyo fallaagada.

Weerarada ay dowladdu ku qaadday kooxdan ayaa lagu soo waramayaa inay ka qeyb qaateen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

- Advertisement -

Warbixinta dilka lagu eedeeyay kooxda ayaa dhalisay caro dadweyne oo dhanka baraha bulshada ah.

Latest stories