HomeWararImaaraadka oo gargaar Bani’aadanimo Soomaaliya soo gaarsiiyay

Imaaraadka oo gargaar Bani’aadanimo Soomaaliya soo gaarsiiyay

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa saaka Muqdisho kasoo dejisay diyaarad sidday gargaar loogu talagalay dadka ay sameeyeen Abaahara ku dhuftay dalka. Diyaaradda oo Barqanimadii maanta kasoo degtay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde Airport ayaa waxaa ay sidday agab kala duwan oo la doonayo in la gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed ee Abaaruhu saameeyeen, xili Dowlaadda Soomaaliya ay ku […]

- Advertisement -

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa saaka Muqdisho kasoo dejisay diyaarad sidday gargaar loogu talagalay dadka ay sameeyeen Abaahara ku dhuftay dalka.

Diyaaradda oo Barqanimadii maanta kasoo degtay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde Airport ayaa waxaa ay sidday agab kala duwan oo la doonayo in la gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed ee Abaaruhu saameeyeen, xili Dowlaadda Soomaaliya ay ku baaqday in xaalad bani’aadanimo oo aad u daran ay dalka ku dhufteen.

- Advertisement -

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlaadda ayaa garoonka kusoo dhaweeyay wafdiga deeqda siday,waxaana mas’uuliyiinta ka mid ahaa wasiirka Gargaarka iyo musiibooyinka dowladda Soomaaliya Khadiija Maxamuud Diiriye.

Wasiir Khadiija ayaa kaga mahadcelisay gargaarka kasoo gaaray Imaaraatka Carabta, waxaana ay sheegtay in la gaarsiin doono dadka dhibaataysan ee Abaaruhu ku dhufteen.

Sidoo kale Safiirka Imaaraadka oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in deeqda ay ugu talagaleen sidii ay gacan kaga gaysan lahaayeen xaaladaha bani’aadanimo eek a jira Soomaaliya, gaar ahaan dadka Gobolada ku dhibaateysan.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay ku baaqay in la qaado tallaabo deg deg ah oo looga jaawabaya dhibaatooyinka taagan.

Latest stories