HomeWararMadaafiic lagu weeraray Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baladweyne

Madaafiic lagu weeraray Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baladweyne

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Wararka aan ka heleyno Garoonka diyaaradaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas ay ku dhaceen tirro madaafiic ah oo jugtooda laga maqlay xaafaddaha ku dhow Garoonka Magaaladaas. Dhowr madfac ayaa ku dhacay gudaha iyo agagaarka Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baladweyne, xili Maanta lagu wado in Magaaladaas uu tego […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Garoonka diyaaradaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas ay ku dhaceen tirro madaafiic ah oo jugtooda laga maqlay xaafaddaha ku dhow Garoonka Magaaladaas.

Dhowr madfac ayaa ku dhacay gudaha iyo agagaarka Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baladweyne, xili Maanta lagu wado in Magaaladaas uu tego Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

- Advertisement -

Garoonka ayaa waxaa ku sugan Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Daba-gabeed, Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, Saraakiil iyo xubno kale, kuwaasi oo isugu diyaarinaya soo dhaweynta Madaxweyne Guudlaawe.

Hoobiyeyaasha lagu tuuray Garoonka Ugaas Khaliif lama ogo cidda soo Tuurtay, halka laga soo tuuray, hayeeshee falka ayaa kusoo aadaya, iyada oo meelo ku dhow Garoonka ay ku sugan yihiin maleeshiyaad hubeysan oo kasoo horjeeda in Cali Guudlaawe tego Magaalada.

Gaarsii horreeysay oo saaka ah Ciidamada Booliska Hirshabeelle iyo kuwa Haramcad ee dhawaan la geeyay Magaalada Baladweyne ayaa saaka xiray inta badan waddooyinka Magaaladaas, isla markaana waxaa Baladweyne ka socota qaban-qaabada lagu soo dhaweynayo Madaxweyne Guudlaawe oo dhowr jeer ka baaqday inuu safar halkaas ku tego.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts