HomeWararMadaxweyne Cali Guudlaawe oo sanad kadib Maanta gaaray Magaalada Baladweyne

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo sanad kadib Maanta gaaray Magaalada Baladweyne

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay. Madaxweyne Guudlaawe iyo wafdiga la socday ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baladweyne ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Daba-geed, Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, mas’uuliyiin […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Guudlaawe iyo wafdiga la socday ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baladweyne ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Daba-geed, Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, mas’uuliyiin kale iyo dadweyne farabadan oo lagu sii diyaariyey Garoonka.

- Advertisement -

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Baladweyne waxaa uu kulamo kala duwan la yeelan doonaa Maamulka Gobolka, kan Magaalada, Odayaasha dhaqanka iyo qeybo kamid ah Bulshada oo taageersan Madaxweynaha.

Waa safarkii ugu horreeyay ee Madaxweyne Cali Guudlaawe ku tego Baladweyne tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha Hirshabeelle, waxaana dhowr jeer uu ka baaqday safaro uu ku tegi lahaa Magaaladaas ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Ammaanka guud ee Magaalada ayaa siweyn loo adkeeyay, isla markaana waxaa la xiray inta badan waddooyinka Baladweyne oo joogaa Ciidamada Haramcad iyo kuwa Booliska Hirshabeelle, waxaana warar la helayo ay sheegayaan in halkaas ay ka jirto xiisad.

Latest stories