HomeWararRa’iisul Wasaare Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayey oo dib ugu soo laabtay...

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayey oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo oo afar maalmood booqasho ku joogay Magaalada Abu Dhabi ee Caasimadda dalka Imaaraadka Carabta ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehlinayeen xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Mahdi […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo oo afar maalmood booqasho ku joogay Magaalada Abu Dhabi ee Caasimadda dalka Imaaraadka Carabta ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehlinayeen xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, Wasiiro, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale.

- Advertisement -

Rooble ayaa intii uu joogay Imaaraadka Carabta kulammo la yeeshay madaxda ugu sarreysa dalkaas oo ugu horreeyo Dhaxal-sugaha Abu Dhabi ahna ku-xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Imaaraadka Sheekh Maxamed Bin Zaayid Ala Nahyaan.

Kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Sheekh Zaayid ayaa waxaa diiradda lagu saaray horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, wuxuuna Rooble uga mahadceliyay Sheikh Maxamed Bin Zaayid  iyo Shacabka Imaaraadka Carabta soo dhaweynta isaga iyo wafdigiisa.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale magaalada Abu Dhabi kula kulmay hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta iyo hay’adaha samafalka ee dalkaas oo uu kala hadlay sidii gargaar deg deg ah loola soo gaari lahaa shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Latest stories