HomeWararRa’iisul Wasaare Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayey oo dib ugu soo laabtay...

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayey oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo oo afar maalmood booqasho ku joogay Magaalada Abu Dhabi ee Caasimadda dalka Imaaraadka Carabta ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehlinayeen xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Mahdi […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo oo afar maalmood booqasho ku joogay Magaalada Abu Dhabi ee Caasimadda dalka Imaaraadka Carabta ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehlinayeen xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, Wasiiro, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale.

- Advertisement -

Rooble ayaa intii uu joogay Imaaraadka Carabta kulammo la yeeshay madaxda ugu sarreysa dalkaas oo ugu horreeyo Dhaxal-sugaha Abu Dhabi ahna ku-xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Imaaraadka Sheekh Maxamed Bin Zaayid Ala Nahyaan.

Kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Sheekh Zaayid ayaa waxaa diiradda lagu saaray horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, wuxuuna Rooble uga mahadceliyay Sheikh Maxamed Bin Zaayid  iyo Shacabka Imaaraadka Carabta soo dhaweynta isaga iyo wafdigiisa.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale magaalada Abu Dhabi kula kulmay hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta iyo hay’adaha samafalka ee dalkaas oo uu kala hadlay sidii gargaar deg deg ah loola soo gaari lahaa shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts