HomeWararPuntland oo Maanta xukun ku riday Nin dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada...

Puntland oo Maanta xukun ku riday Nin dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada PMPF

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta oo khamiis ah xukun dil toogasho ah ku riday Nin lagu eedeeyay inuu dil u geystay Sarkaal ka tirsan Ciidamada hay’adda PMPF ee Puntland. Eedeysane Maxamed Cabduqaadir Muuse (Af-dheere) ayey Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ku riday xukunka, kaasi oo loo heysto inuu Magaalada Garoowe ee […]

- Advertisement -

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta oo khamiis ah xukun dil toogasho ah ku riday Nin lagu eedeeyay inuu dil u geystay Sarkaal ka tirsan Ciidamada hay’adda PMPF ee Puntland.

Eedeysane Maxamed Cabduqaadir Muuse (Af-dheere) ayey Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ku riday xukunka, kaasi oo loo heysto inuu Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ku dilay Marxuum Bootaan Cawl oo ka tirsanaa PMPF.

- Advertisement -

Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa heshay caddeeymo muujinaya in Maxamed Cabduqaadir Muuse uu dilay Bootaan Cawl, isla markaana dalbatay in lagu rido xukun dil toogasho ah oo ah qisaasta Marxuumka.

Allaha u naxariistee Bootaan Cawl oo ka tirsanaa Ciidamada hay’adda PMPF ee Puntland ayaa waxaa 30-kii bisha September ee sanadkii hore 2021 lagu dilay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ahna Caasimadda Puntland, xili habeen ah.

Xukunka lagu riday Eedeysane Maxamed Af-dheere ayaa ku beegantay, iyada oo maalmo kahor Maxkamadda Ciidamada Puntland xukuno isugu jiray dil toogasho ah iyo xabsi ku riday rag dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay inay dilal ka geysteen Magaalada Gaalkacyo.

Latest stories