HomeWararJabuuti oo DFS uga guuleysatay xubinnimada Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika

Jabuuti oo DFS uga guuleysatay xubinnimada Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Doorashada Xubinnimada Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ayaa Maanta oo khamiis ah ka dhacday Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya, iyada doorashada ay tahay mid ay ka wada qeyb galeen dalalka ku jira Golaha Amniga. Doorashada ayaa waxaa sanadkaan ku tartamay dowladdaha Soomaaliya iyo Jabuuti, isla markaana waxaa Xubinnimada Golaha Amniga iyo Nabadda […]

- Advertisement -

Doorashada Xubinnimada Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ayaa Maanta oo khamiis ah ka dhacday Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya, iyada doorashada ay tahay mid ay ka wada qeyb galeen dalalka ku jira Golaha Amniga.

Doorashada ayaa waxaa sanadkaan ku tartamay dowladdaha Soomaaliya iyo Jabuuti, isla markaana waxaa Xubinnimada Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ku guuleystay dalka Jabuuti.

- Advertisement -

Dowladda Jabuuti ayaa heshay codod dhan 19 Cod, halka Soomaaliya ay heshay 13 Cod, tani ayaa ka dhigan in Jabuuti ay xajisatay xubinnimadi Golahaas sanadka 2022-2025.

Kooxda Diblomaasiyiinta iyo Ergada Soomaaliya ee Midowga Afrika ee uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ee xilgaarsiinta ayaa sameeyay bilow wanaagsan iyo dadaalo xooggan oo ay taageero kaga raadinayeen dalalka Midowga Afrika intii uu socday Ololaha doorashada kursigan oo aad muhiim ugu ahaa Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisaciid Muuse Cali ayaa kulamo doceedyo Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya kula qaatay Wasiirada Arrimaha dibadda dalalka Afrika ee ka qeyb galayay Shirka Golaha fulinta Midowga Afrika oo ka qabsoomay Magaaladaas.

Latest stories