HomeWararAxmed Madoobe oo kulan la yeeshay xubno ka socday Dowladda iyo M/Goboleedyada

Axmed Madoobe oo kulan la yeeshay xubno ka socday Dowladda iyo M/Goboleedyada

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa xalay Magaalada Kismaayo kulan casho sharaf iyo sagootin ah ugu sameeyey Guddiyada shaqaalaha rayidka ee Soomaaliya kuwaa oo shantii casho ee lasoo dhaafay kulan wadatashi ah oga socday Kismaayo. Madaxweynaha ayaa  kula dardaarmay Guddiyada shaqaalaha rayidka ee Soomaaliya in si hufnaan leh oo cadaaladi ku […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa xalay Magaalada Kismaayo kulan casho sharaf iyo sagootin ah ugu sameeyey Guddiyada shaqaalaha rayidka ee Soomaaliya kuwaa oo shantii casho ee lasoo dhaafay kulan wadatashi ah oga socday Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa  kula dardaarmay Guddiyada shaqaalaha rayidka ee Soomaaliya in si hufnaan leh oo cadaaladi ku dheehantahay loo maro hanaanka shaqaalaha rayidka ah kuwaa oo udub dhaxaad u ah adeegyada bulshada loo hayo.

- Advertisement -

Shaqaalaha rayidka ah ayuu sheegay Madaxweyne Axmed Madoobe in loo baahanyahay in la ilaaliyo xuquuqda ay leeyihiin, sidoo kalana lagu ilaaliyo waajibaadkooda shaqo oo lagu kor joogteeyo, isagoona Carabka ku dhuftay in baahi loo qabo shaqaale Rayid ah.

Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa tilmaamay inay jiraan caqabado farabadan oo dhallinyarada ka heysta inay shaqo helaan, wuxuuna xusay in siyaasadda dowladda aysan ku filneynin xakameynta shaqo la’aanta heysata dhallinyarada Soomaaliyeed.

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa maalin kahor lagu soo gaba-gabeeyay shirkii maalmihii lasoo dhaafay u socday Guddiyada Shaqaalaha heer Fedral iyo heer dowlad Gobaleed iyo Gobalka Banaadir.

- Advertisement -

Shirka ayaa lagu falanqeeyey arimo muhiim u ah shaqalaaha Soomaaliyeed, iyadoo ugu dambeyn heshiis muhiim ah ay wada saxiixdeen dhammaan guddiyada, kana soo saarayn war murtiyeed ka kooban 11 qodob oo muhiim u ah wada shaqynta guddiyada shaqaalaha iyo dhammaan Shaqaalaha Soomaaliyeed.

Latest stories