HomeWararDowladda Soomaaliya oo shan Dal ka dalbatay inay ku taageeran kamid noqoshada...

Dowladda Soomaaliya oo shan Dal ka dalbatay inay ku taageeran kamid noqoshada Gole

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Soomaaliya ee xilgaarsiinta Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kaga qayb galay furitaanka Kalfadhiga 40-aad ee Golaha Fulinta ee Shir-madaxeedka 35-aad ee Midowga Afrika. Shirweynaha ayaa waxaa looga hadlayey wax ka qabashada saamaynta Cudurka halista ah ee Covid-19, Amni xumada, xasilooni darrada, iyo horumarka […]

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Soomaaliya ee xilgaarsiinta Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kaga qayb galay furitaanka Kalfadhiga 40-aad ee Golaha Fulinta ee Shir-madaxeedka 35-aad ee Midowga Afrika.

Shirweynaha ayaa waxaa looga hadlayey wax ka qabashada saamaynta Cudurka halista ah ee Covid-19, Amni xumada, xasilooni darrada, iyo horumarka dhaqan-dhaqaale ee Qaaradda Afrika.

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka hadlay kulanka ayaa tilmaamay saamaynta dhaqan-dhaqaale ee cudurka COVID-19 uu ku reebay guud ahaan Qaaradda Afrika iyo muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado in wadajir looga soo kabsado saamaynta taban ee cudurkan.

Wasiir Cabdisaciid Muuse ayaa soo bandhigay guulaha la taaban karo ee ay dowladda Federaalka Soomaaliya kaga tallaabsatay la dagaallanka waxa loogu argagixisada, xasilinta dalka, ka hortagga cudurka COVID-19 iyo sida ay dowladda Soomaaliya diyaar ugu tahay in dalalka Afrikaanka ah ay iskaashi buuxda kala yeelato sidii wax looga qaban lahaa dhammaan khataraha ay wajahayso Qaaraddu.

Intii lagu guda jirey kulanka, wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisaciid Muuse Cali ayaa Kulan doceedyo iyo wada hadallo gaar ah la yeeshay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Dalalka Algeria, Burundi, Botswana, Namibia iyo Madagascar, isaga oo kala hadlay iskaashiga iyo wax wada qabsiga dalalka Qaaradda iyo taageeridda Soomaaliya ee ku aaddan xubinnimada Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika oo doorashadiisu ay dhowaan dhacayso.

Latest stories