HomeWararKuraas ka tirsan Golaha Shacabka oo Maanta Doorashadooda lagu qabanayo Dhuusamareeb

Kuraas ka tirsan Golaha Shacabka oo Maanta Doorashadooda lagu qabanayo Dhuusamareeb

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo khamiis ah ka dhaceysa Magaalada Dhuusamareeb, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Galmudug. Guddiga doorashada SEIT ee Maamulka Galmudug ayaa dhammeystiray diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya afar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo doorashadoodu saacado kadib ka bilaabaneysa Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb. […]

- Advertisement -

Doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo khamiis ah ka dhaceysa Magaalada Dhuusamareeb, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.

Guddiga doorashada SEIT ee Maamulka Galmudug ayaa dhammeystiray diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya afar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo doorashadoodu saacado kadib ka bilaabaneysa Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

- Advertisement -

Kuraasta doorashadoodu dhaceyso ayaa waxa kala yihiin HOP049 oo dhowrkii sanno ee lasoo dhaafay uu ku fadhiyey Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, kursiga HOP051 ayaa waxaa ku fadhiyey Xasan Macalin Maxamuud.

Sidoo kale kursiga HOP139 ayaa waxaa horey ugu fadhiyey Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed oo u wareegay dhanka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka iyo kursiga tirsigiisu yhay HOP061 oo uu ku fadhiyo Cabdiweli Maxamed Qanyare.

Doorashada Maanta ka dhaceysa Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa goobjoog ka noqon doona wafdi ka socda Guddiga doorashooyinka heer Federaal iyo xubno kale, waxaana doorashada Maanta laga reebay kursiga HOP071 oo doorashadiisa muran ka dhashay.

Latest stories