HomeWararDoorashada qaar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Maanta ka dhaceysa Muqdisho

Doorashada qaar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Maanta ka dhaceysa Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka ee Gobolada Waqooyi Somaliland ayaa Maanta oo Arbaco ah lagu wadaa inay ka dhacdo Magaalada Muqdisho gaar ahaan Dugsiga tababarka Jeneraal Kaahiye. Doorashada dhaceysa oo ah lix kursi ayaa waxaa ku tartamaya Musharaxiin dhowr ah oo Guddiga doorashada Somaliland u diiwaan-geliyeen u tartanka kuraastaas […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka ee Gobolada Waqooyi Somaliland ayaa Maanta oo Arbaco ah lagu wadaa inay ka dhacdo Magaalada Muqdisho gaar ahaan Dugsiga tababarka Jeneraal Kaahiye.

Doorashada dhaceysa oo ah lix kursi ayaa waxaa ku tartamaya Musharaxiin dhowr ah oo Guddiga doorashada Somaliland u diiwaan-geliyeen u tartanka kuraastaas Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi, waxaana doorashada ay bilaabaneysaa saacado kadib.

- Advertisement -

Kuraasta doorashadoodu la qabanayo ayaa waxaa ay tirsigoodu kala yihiin Hope270 oo uu afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Xildhibaan Sakariye Xuseen Caarre, kursiga Hope#267 oo ay ku fadhido Seynab Maxamed Maxamed Caamir, kursiga Hope#269 oo uu afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Maxamed Cabdullaahi Kaamil.

Sidoo kale kursiga tirsigiisu yahay Hope#271 ayaa waxaa afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Cabdiraxmaan Maxamuud Caateeye, kursiga Hop286 oo uu ku fadhiyey Maxamed Cali Xagaa oo ah Wasaaradda Gaashaandhigga Maxamed Cali Xagaa iyo kursiga Hope#236 oo uu ku fadhiyey Cadnaan Cismaan Cilmi (Boqore).

Guddiga doorashada Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa si dardar leh u wada doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana Muqdisho lagu doortay in ka badan 24 Xildhibaan oo kamid noqday Golaha Shacabka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts