HomeWararImaaraadka Carabta oo soo dhaweeyay tallaabo uu qaaday Ra’iisul Wasaare Rooble

Imaaraadka Carabta oo soo dhaweeyay tallaabo uu qaaday Ra’iisul Wasaare Rooble

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Imaaraadka Carabta ayaa soo dhoweeyay raali-gelintii uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ka bixiyay dhacdadii 2018-kii ee Imaaraadka ay dowladda ugala wareegtay lacag dhan 9.8 milyan oo dollar. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka ayaa lagu sheegay in dowladda Imaaraadka ay soo dhaweyneyso tallaabada uu Ra’iisul Wasaare Rooble raalli-gelinta uga […]

- Advertisement -

Imaaraadka Carabta ayaa soo dhoweeyay raali-gelintii uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ka bixiyay dhacdadii 2018-kii ee Imaaraadka ay dowladda ugala wareegtay lacag dhan 9.8 milyan oo dollar.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka ayaa lagu sheegay in dowladda Imaaraadka ay soo dhaweyneyso tallaabada uu Ra’iisul Wasaare Rooble raalli-gelinta uga bixiyey dhacdadII dowladda Soomaaliya kula wareegtay lacagtii UAE.

- Advertisement -

Dhaxalsugaha Abu Dhabi Sheekh Maxamed Bin Zayid Ala Nahyaan ayaa sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble uga mahadceliyay mowqifkii Xukuumadda Soomaaliya ay cambaareysay weerarradii argagixiso ee Xuutiyiintu la beegsadeen goobo ku yaalla Imaaraadka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Sheekh Maxamed Bin Zaayid  iyo Shacabka Imaaraadka Carabta soo dhaweynta isaga iyo wafdigiisa iyo sidoo kale doorka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, gaar ahaan gurmadkii ay la soo gaareen Shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Rooble ayaa dhowaan Imaaraadka ka raalli-geliyay dhacdada DFS ugala wareegtay lacagta, isagoo balanqaaday in dib loogu celin doono lacagta lagala wareegay April sanadkii 2018, inkastoo Madaxweyne Farmaajo uu diiday in lacagtaas laga bixiyo Bankiga dhexe ee dowladda.

Latest stories