HomeWararRwanda iyo Uganda oo soo afjaray xiisaddii u dhexeysay

Rwanda iyo Uganda oo soo afjaray xiisaddii u dhexeysay

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Masuuliyiinta Rwanda ayaa saaka oo Jimcaha ah sheegay inay dib u furi doonaan xuduudda ay la wadaagaan Uganda, taas oo soo afjaraysa ku dhawaad saddex sano oo is-mariwaa ah oo u muuqday mid dhaawacay dhaqaalaha labada dal, isla markaana sare u qaaday cabsida laga qabo isku dhacyo hubeysan. Ku dhawaaqistan ayaa timid kadib muddo ay […]

- Advertisement -

Masuuliyiinta Rwanda ayaa saaka oo Jimcaha ah sheegay inay dib u furi doonaan xuduudda ay la wadaagaan Uganda, taas oo soo afjaraysa ku dhawaad saddex sano oo is-mariwaa ah oo u muuqday mid dhaawacay dhaqaalaha labada dal, isla markaana sare u qaaday cabsida laga qabo isku dhacyo hubeysan.

Ku dhawaaqistan ayaa timid kadib muddo ay diblomadsiyad ahaan kala aamusnaayeen labada dal, iyada oo madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni uu Rwanda u diray ergo uu ku jiro wiilkiisa Lt. Gen. Muhoozi Kainerugaba, si ay wadaxaajood ula galaan dhiggiisa Rwanda Paul Kagame.

- Advertisement -

Kainerugaba, oo ah taliyaha ciidamada lugta ee Uganda, ayaa ku sugnaa Rwanda Sabtidii. Horraantii toddobaadkan Museveni ayaa isbedello muhiim ah ku sameeyay laamihiisa amniga, isagoo xilka ka qaaday taliyihii sirdoonka militariga oo ay Rwanda si joogta ah u dhaleeceysay. Talaabadan ayaa u muuqata inay saamaysay Rwanda.

Rwanda ayaa markii ugu horreysay xirtay marinka mashquulka badan ee xadka Gatuna bishii Febraayo 2019, waxaana wadahadalladii xigay ee ay dhexdhexaadinayeen Angola iyo Congo noqdeen kuwa lagu guuldareystay in lagu xalliyo khilaafka, taas oo Uganda ku khasabtay in ay si gaar ah ula xaajooto Rwanda.

Dowladda Rwanda ayaa sheegtay in xadka u dhexeeya labada dal uu si rasmi ah dib ugu furmi doono Isniinta. War saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay inay ka go’an tahay Rwanda inay si wanaagsan uga qayb qaadan doonto sidii caadiga ahayd ee xiriirka labada dal.

- Advertisement -

Dib u furista iyo soo celinta xiriirka ayaa farxad gelin doonta labada dal ee Rwanda iyo Uganda kadib sanado badan oo dhibaato ay ku qabeen ganacsiyadii suuqdayada ee lumay iyo fursada kale.Uganda, ayaa loo diiday suuq weyn oo ay wax soo saarkeeda u beec geyn jirtay, waxayna u muuqatay inay luminaysay heerkii ugu sarreeyay waxa ay ugu yeertay cunaqabatayn ganacsi. Gudaha Rwanda xayiraadda xadka ayaa ugu dambayntii kiciyay qiimaha cuntada la qalajiyey.

Latest stories