HomeWararWasiirka Arrimaha Gudaha “Waxba kama ogi Ciidanka ay Dowladdu ka dejisay Baladweyne”

Wasiirka Arrimaha Gudaha “Waxba kama ogi Ciidanka ay Dowladdu ka dejisay Baladweyne”

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Iyadoo magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dejisay Ciidamo aad u farabadan oo hubeysan ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Gobolka Hiiraan. Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in ciidankaas aan Beledweyne loo geynin amni doorasho iyo mid Shabaab toona, balse ujeedka yahay in dadka lagu […]

- Advertisement -

Iyadoo magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dejisay Ciidamo aad u farabadan oo hubeysan ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Gobolka Hiiraan.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in ciidankaas aan Beledweyne loo geynin amni doorasho iyo mid Shabaab toona, balse ujeedka yahay in dadka lagu cabsi geliyo, waxaana ay ku baaqeen in degdeg looga soo celiyo

- Advertisement -

Xubnaha ka hadlay tallaabada ay qaadday Dowladdu waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya , waxaana uu sheegay in uuan waxba ka ogayn Ciidanka laga dajiyay Baladweyne.

Wasiir Mukhtaar ayaa digniin u diray Ciidanka, waxaana uu sheegay in aan loo baahnayn in Ciidanka Qaranka loo adeegsado arrimo siyaasadeed, xili ay jirto casbi weyn oo laga qabo in dagaal uu ka dhaco Baladweyne.

Sidoo kale waxaa isna Goobta ka hadlay wasiirkii hore ee Waxbaarshada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre, waxaana Taliyeyaasha Ciidanka uu uga digay in ay qaadaan tallaabo qaldan oo ay magaalada dagaal kaga dhalinkaraan.

- Advertisement -

Magaalada baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa laga dajiyay Ciidamo hubeysan,kuwaasi oo la sheegay in dowladdu ay halkaasi u gaysay, sidii ay meesha kaga saari leheed Ciidamo kale oo uu hoggaamiye Sarkaal lagu magacaabo Nuur dheere, kaasi oo haysta Ciidamo aad u hebaysan oo uu kaga soo hor jeedo Maamulka Hirshabeelle iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Latest stories