HomeWararMidowga Musharaxiinta oo War kasoo saaray Ciidanka Dowladda ka dejisay Baladweyne

Midowga Musharaxiinta oo War kasoo saaray Ciidanka Dowladda ka dejisay Baladweyne

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Midowga Musharaxiinta ayaa War kasoo saaray Ciidanka Booliska Haramcad ee Maanta dowladda geeysay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, iyagoona eedeeyn u jeeyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga ayaa waxaa lagu Cambaareeyay qalalaaso ay sheegeen in Madaxweyne Farmaajo ka hurinayo Gobolka Hiiraan gaar ahaan Baladweyne oo Maanta ka […]

- Advertisement -

Midowga Musharaxiinta ayaa War kasoo saaray Ciidanka Booliska Haramcad ee Maanta dowladda geeysay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, iyagoona eedeeyn u jeeyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga ayaa waxaa lagu Cambaareeyay qalalaaso ay sheegeen in Madaxweyne Farmaajo ka hurinayo Gobolka Hiiraan gaar ahaan Baladweyne oo Maanta ka degtay diyaarad sidday ku dhawaad 100 Askari oo Haramcad ah.

- Advertisement -

Goluhu Midowga ayaa sheegay in tabashada reer Hiiraan ee Hirshabeelle ay u arkaan in ay tahay qaddiyad siyaasadeed oo u baahan waan-waan iyo wada-xaajood siyaasadeed.

Sidoo kale Musharaxiinta ayaa ayaa u arka ciidanka Baladweyne laga dejiyey in uu carqalad ku yahay fursadaha nabad iyo wadahadalka, ayna weli muuqato in taliyayaasha Ciidanka ay iska dhegatirayaan go’aanadii Golaha Wadatashiga Qaran.

Ugu dambeyn Midowga Musharaxiinta ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ugu baaqay in uu qaato masuuliyadda kaga aadan xaqiijinta in ciidanka laga saaro siyaasadda, loona jiheeyo la dagalaanka Al-shabaab iyo Daacish.

- Advertisement -

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Midowga

Latest stories