HomeWararDaba-geed oo shaaciyay in DF ka Codsadeen Ciidanka Haramcad ee la geeyay...

Daba-geed oo shaaciyay in DF ka Codsadeen Ciidanka Haramcad ee la geeyay Baladweyne

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Daba-gabeed ayaa khudbad soo dhaweyn ah u jeediyay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Haramcad oo saakay la geeyay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Yuusuf Daba-gabeed ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka Haramcd ee la geeyay Baladweyne ay gurmad ahaan uga dalbadeen dowladda Federaalka oo ay Ciidankaas […]

- Advertisement -

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Daba-gabeed ayaa khudbad soo dhaweyn ah u jeediyay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Haramcad oo saakay la geeyay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Yuusuf Daba-gabeed ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka Haramcd ee la geeyay Baladweyne ay gurmad ahaan uga dalbadeen dowladda Federaalka oo ay Ciidankaas ay doonayaan inay soo celiyaan ammaankii Baladweyne, lana dagaalamaan kuwa kasoo horjeeda Maamulka Hirshabeelle.

- Advertisement -

Ciidamada Haramcad ee Baladweyne tegay ayuu Madaxweyne ku-xigeenka sheegay inay la shaqeyn doonaan Ciidanka Milateriga iyo kuwa Booliska ee halkaas jooga, isla markaana looga baahan yahay inay dib u soo celiyaan sharafta Xarunta Gobolka Hiiraan.

Daba-gabeed ayaa dowladda Federaalka uga mahadceliyay sida ay uga soo jawaabtay dalabkii Hirshabeelle ee ahaa in loo diro Ciidamo ka tirsan Booliska Haramcad, si ay uga dagaalamaan wax uu ugu yeeray Caddowga oo Shacabka Hiiraan uu sheegay inay ka xireen waddooyinkii ay ku shaqeysanayeen.

“Dowladnimaa dadka Soomaaliyeed deeqda, waxyaabaha ay dadka qaar ku fakirayaan dadka Soomaaliyeed ma deeqaan, dowladnimo waa Ciidan, dowladda Federaalka ee hadda jirta, waxaan ku ammaaneynaa sida ay u tayeeysay Ciidamada” ayuu yiri Yuusuf Daba-gabeed oo dowladda mar kale uga mahadceliyay Ciidanka ay Baladweyne geeysay.

- Advertisement -

Si kastaba tallaabada Ciidamada Booliska Haramcad lagu geeyay Baladweyne ayaa kusoo aaday, iyada oo weli Magaaladaas laga diidan yahay Madaxweyne Cali Guudlaawe oo dhowr jeer ka baaqday safaro uu ku tegi lahaa halkaas, waxaana magaalada qeybo kamid ah heysta maleeshiyaad hubeysan oo diidan Cali Guudlaawe.

Latest stories