HomeWararRa’iisul Wasaare Rooble oo soo afjaray madmadowgii Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi

Ra’iisul Wasaare Rooble oo soo afjaray madmadowgii Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta kulan gaar ah la yeeshay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Kulanka ayaa waxaa looga hadlay madmadowgii soo kala dhex galay Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ee ku aadanaa khilaafka cusub ee ka dhashay doorashada […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta kulan gaar ah la yeeshay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay madmadowgii soo kala dhex galay Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ee ku aadanaa khilaafka cusub ee ka dhashay doorashada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

- Advertisement -

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Rooble uu dhammeeyay madmadowgii soo kala dhex galay labada dhinac, iyadoo la isku afgartay in ay si wada jir ah Ra’iisul Wasaaraha ugala shaqeeyaan dhammeystirka doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Somaliland.

“Waxaa la isku afgartay in ay si wada jir ah Ra’iisul Wasaaraha ugala shaqeeyaan Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi, dhammeystirka doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Somaliland” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Xafiiska Rooble.

Cabdi Xaashi, Boqor Buurmadow iyo siyaasiyiin kale oo kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa ku dhawaaqay inay ka baxeen doorashada Golaha Shacabka, iyagoona Ra’iisul Wasaare Rooble ku eedeeyay inuu boobayo doorashada, waxaana eedeynta ka jawaabay garabka Mahdi Guuleed.

- Advertisement -

Si kastaba dhowr jeer oo horey ayey sidaan oo kale khilaaf u soo kala dhex galay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi, kaasi oo salka ku haayay Arrimaha doorashada Somaliland.

Latest stories