HomeWararDiyaarad sidday Ciidamo farabadan oo ka degtay Garoonka Diyaaradaha Baladweyne

Diyaarad sidday Ciidamo farabadan oo ka degtay Garoonka Diyaaradaha Baladweyne

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Diyaarad sidday Ciidamo ka tirsan Booliska dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa sida gaarka u tababaran ee Haramcad ayaa ka degtay Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeellle. Ciidamada oo gaaraya ku dhawaad 100 Askari ayaa waxaa waaberigii hore ee saakay oo Arbaco ah diyaarad gaar ah looga qaaday […]

- Advertisement -

Diyaarad sidday Ciidamo ka tirsan Booliska dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa sida gaarka u tababaran ee Haramcad ayaa ka degtay Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeellle.

Ciidamada oo gaaraya ku dhawaad 100 Askari ayaa waxaa waaberigii hore ee saakay oo Arbaco ah diyaarad gaar ah looga qaaday Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kuwaasi oo laga dejiyay Magaalada Baladweyne, sida lagu arkay Sawirro laga soo qaaday.

- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in Ciidamadan Booliska Haramcad ay geeysay Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, iyagoona farriisimo cusub ka sameeynaya aaga Garoonka iyo meelo kale oo kamid ah Magaalada.

Warar la helayo ayaa sheegaya in ujeedka Ciidamada Booliska Haramcad loo geeyay Baladweyne ay tahay sidii ay u sugi lahaayeen ammaanka doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee la filayo in maalmaha soo socda ka bilaabato Magaaladaas.

Tallaabada Ciidamada looga qaaday Muqdisho, laguna geeyay Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kusoo aadeysa iyada oo muddo sanad ah uusan Baladweyne tegi Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo ay kasoo horjeedaan dadka degaanka iyo maleeshiyaad hubeysan.

Latest stories