HomeWararDhallinyaro u socotay xaflad qalin-jebin oo Shil ku galay Somaliland & Khasaaro...

Dhallinyaro u socotay xaflad qalin-jebin oo Shil ku galay Somaliland & Khasaaro ka dhashay

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka Magaalada Wajaale ee Gobolka Gebilay ee Somaliland, waxaana kasoo baxaya faah faahino dheeraad shilkaas dhacay. Dad la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in shilkaan gaari uu yimid, kadib markii ay gaari nooca raaxda ah oo ay saarnaayeen saddex ruux […]

- Advertisement -

Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka Magaalada Wajaale ee Gobolka Gebilay ee Somaliland, waxaana kasoo baxaya faah faahino dheeraad shilkaas dhacay.

Dad la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in shilkaan gaari uu yimid, kadib markii ay gaari nooca raaxda ah oo ay saarnaayeen saddex ruux uu ku dhacay gaari oo weyn, xili ay iskaga horyimideen duleedka Magaalada Wajaale ee Somaliland.

- Advertisement -

Inta la xaqiijiyay hal qof oo wiil dhalinyaro ah ayaa ku naf-waayay shilka, halka labada qof kalena oo dumar ahaa ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo la geeyay Isbitaalka weyn ee Magaalada Hargeysa, oo lagula tacaalayo xaaladdooda Caafimaad.

Wiilka dhalinyarada ah ee ku dhintay shilkii ka dhacay duleedka Wajaale ayaa waxaa la sheegay in laba bil kahor uu kamid yimid Liibiya, waxaana Wiilka iyo labada gabdhood ay u socdeen xaflada qalin-jebinta Jaamacadda mid kamid ah gabdhaha dhaawacmay.

Si kastaba, degaano iyo degmooyin ka tirsan Somaliland ayaa waxaa marar kala duwan oo horey uga dhacay shilal sababay dhimasho iyo dhaawac oo waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah oo saarnaa gaadiidka shilalka galay.

Latest stories