HomeWararDoorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka oo ka socota Magaalada Kismaayo

Doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka oo ka socota Magaalada Kismaayo

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ahna Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland ayaa waxaa goordhow ka bilaabatay doorashada kuraas hor leh oo ka tirsan kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka. Guddiga doorashada Jubbalabd ayaa maalmo kahor soo gaba-gabeeyay diiwaan-gelinta iyo shahaado siinta Musharaxiinta u tartamaya saddex kursi oo kamid ah kuraasta […]

- Advertisement -

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ahna Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland ayaa waxaa goordhow ka bilaabatay doorashada kuraas hor leh oo ka tirsan kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.

Guddiga doorashada Jubbalabd ayaa maalmo kahor soo gaba-gabeeyay diiwaan-gelinta iyo shahaado siinta Musharaxiinta u tartamaya saddex kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.

- Advertisement -

Guddiga ayaa Musharaxiin dhowr ah u diiwaan-geliyay saddexda kursi oo ay tirsigoodu kala yihiin #HOP126, #HOP118 iyo #HOP127, waxaana kuraasta ku fadhiyay afartii sanno ee lasoo dhaafay Xildhibaano ka tirsanaa Golaha Shacabka.

Doorashada kuraastan ayaa ka socota Magaalada Kismaayo, isla markaana waxaa goobjoog ka ah wafdi ka socda Guddiga doorashooyinka heer Federaal iyo xubno kale oo kamid ah Guddiga doorashada Maamulka Jubbaland.

Maalmo kahor ayey aheyd markii Kismaayo ka dhacday doorashada lix kamid ah kurasta Golaha Shacabka, waxaana Jubbaland uu noqday markii labaad ee dardar-geliya doorashaa Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka.

Latest stories