HomeWararQaar ka mid ah Waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho oo saaka xiran

Qaar ka mid ah Waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho oo saaka xiran

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Shacabka Muqdisho ayaa saaka kusoo waaberiistay qaar ka mid ah waddooyinka ugu muhiimsan Caasimadda oo xiran iyo Ciidamo farabadan oo Xalay saqdhexe lasoo dhoobay waddooyinka qaar. Waddooyin muhiim u ah isku socodka dadweynaha ayaa xiran, waxaana ka mid ah waddooyinka Saaka xiran Isgoyska Jubba, Agagaarka Buundada koowaad ee degmada Xamar Jajab. Dadka shacabka ah ayaa […]

- Advertisement -

Shacabka Muqdisho ayaa saaka kusoo waaberiistay qaar ka mid ah waddooyinka ugu muhiimsan Caasimadda oo xiran iyo Ciidamo farabadan oo Xalay saqdhexe lasoo dhoobay waddooyinka qaar.

Waddooyin muhiim u ah isku socodka dadweynaha ayaa xiran, waxaana ka mid ah waddooyinka Saaka xiran Isgoyska Jubba, Agagaarka Buundada koowaad ee degmada Xamar Jajab.

- Advertisement -

Dadka shacabka ah ayaa ah kuwo lugeynaya, maaddaama aan la ogolayn in gaadiidka dad weynaha iyo mootooyinku ay isticmaalaan waddooyinka xiran, sidoo kale Ciidanka ayaa sameynaya Baaritaanno culus.

Noocyada kala duwan ee Gaadiidka ayaan la ogalayn, lamana oga sababta rasmiga ah ee loo xiray waddooyinka, iyadoo laamaha amniga iyo maamulka Gobolka Banaadir aysan ilaa iyo hadda faah faahin ka bixin sababta ay saaka loo xiray qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee Caasimadda.

Inta badan shacabka muqdisho ayaa la kulmo dhibaatooyinka noocaan oo kale ah, mana ah markii ugu horreysay ee dad weynuhu kusoo toosaan waddooyinka muhiimka ah ee Caasimadda oo xiran.

Latest stories