HomeWararCiidamo Hubeysan oo la wareegay qaybo ka mid ah magaalada Baledweyne

Ciidamo Hubeysan oo la wareegay qaybo ka mid ah magaalada Baledweyne

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Ciidamo hubeysan ayaa saaka la wareegay qaar ka mid ah xaafadaha Magalaada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, iyadoo halkaasi ay ka taagan tahay xaalada kacsanaan ah. Wararka naga soo gaaraya Baladweyne ayaa ku warramaya in Ciidamo hubeysan oo ka amar qaata Sarkaal lagu magacaabo Nuur dheere ay Saaka la wareegeen  dhowr xaafadood oo ka tirsan […]

- Advertisement -

Ciidamo hubeysan ayaa saaka la wareegay qaar ka mid ah xaafadaha Magalaada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, iyadoo halkaasi ay ka taagan tahay xaalada kacsanaan ah.

Wararka naga soo gaaraya Baladweyne ayaa ku warramaya in Ciidamo hubeysan oo ka amar qaata Sarkaal lagu magacaabo Nuur dheere ay Saaka la wareegeen  dhowr xaafadood oo ka tirsan Magaalada iyo waddooyinka ugu muhiimsan magaaladaasi.

- Advertisement -

Sawirro iyo muuqaallo lasoo duubay ayaa muujinaya Ciidan si aad ah u hubaysan oo lagu soo daadiyay xaafado ka mid ah Baledweyne, waxaana xaafadaha Ciidanka lagu arkayo ka  mid ah  Xaafda Nuur Xawaad, Suuqa Daraawiisha iyo Xaafado kale.

Wararka ayaa sheegaya in Xaafadaha ay la wareegeen Ciidankaasi hubeysan ay horay ugu sugnaayen Ciidanka Hirshabeelle, kuwaasi oo sida wararku sheegayaan galay Xerada lama galaay, halkaasi oo ay isku uruursadeen, maaddaama xaafadihii ugu muhiimsanaa ay qabsadeen Ciidamada ka amar qaata Sarkaalka lagu magacaabo Nuur dheere.

Dadka ku nool magaalada Baladweyne ayaa soo sheegaya in xaalad cabsi ah ay soo food saartay, maaddaama la filan karo in mar waliba halkaasi uu dagaal ka dhaco.

Latest stories