HomeWararFaah faahin:-Qarax khasaaro gaystay oo ka dhacay Shabeellaha dhexe

Faah faahin:-Qarax khasaaro gaystay oo ka dhacay Shabeellaha dhexe

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax ka dhacay degaanka Qalimow ee Gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac sida ay ku warramayaan wararka aynu halkaasi ka helayno. Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaaa ka dhacay maqaayad lagu shaaho oo ku taalla degaanka Qalimow, waxaana la sheegay in Qaraxaasi uu ahaa miino dhulka […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax ka dhacay degaanka Qalimow ee Gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac sida ay ku warramayaan wararka aynu halkaasi ka helayno.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaaa ka dhacay maqaayad lagu shaaho oo ku taalla degaanka Qalimow, waxaana la sheegay in Qaraxaasi uu ahaa miino dhulka lagu aasay oo goobta ku diyaarsanayd.

- Advertisement -

Wararka ayaa tibaaxaya in Qaraxaasi ay ku dhinteen seddex ruux, waxaana dhaawacyo kala duwan ay kasoo gareen in ka badan tobon ruux, kuwaaasi oo haatan xaaladdooda caafimaad lala tacaalyo.

Dad waxyeeladu soo gaartay ayaa isugu jira Askar iyo dad shacab ah, oo goobta ku sugnaa, markii qaraxu dhacayay, waxaana maqaayadda la qarxiyay ay ahayd mid inta badan ay imaan jireen Askarta Ciidanka Dowladda.

Wali maamulka degaanka iyo Saraakiisha amnigu kama hadlin Qaraxaasi, sidoo kale ma jirto faah faahin intaa ka dheeri ah oo laga helay Qaraxaasi miino ee khasaaraha kala duwan dhaliyay.

- Advertisement -

Horay degaanka waxaa uga dhacay weero kala duwan oo ay Al-Shabaab gaysteen.

Wixii kasoo kordha halkaan kala soco.

Latest stories