HomeWararMaxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo Xukun ku ridday Askari dil gaystay

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo Xukun ku ridday Askari dil gaystay

Date:

Related stories

Somalia Completes First Legal Internship for 34 Women Lawyers

Thirty-four women lawyers complete Somalia's first national legal empowerment internship, boosting female representation across courts and prosecution services.

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qaybteeda  Galmudug ayaa xukun ku ridday Askari ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka, kaasi oo horay Askari kale dil ugu gaystay Galgaduud, gaar ahaan Xerada Ciidanka Gorgor ay ku leeyihiin duleedka Magaalada Dhuusamareeb. Maxkamadda oo u fariisatay galdacwadeedka iyo eedeeymaha loo haystay Askariga ayaa go’aan kasoo saartay, waxaana lagu soo eedeeyay in […]

- Advertisement -

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qaybteeda  Galmudug ayaa xukun ku ridday Askari ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka, kaasi oo horay Askari kale dil ugu gaystay Galgaduud, gaar ahaan Xerada Ciidanka Gorgor ay ku leeyihiin duleedka Magaalada Dhuusamareeb.

Maxkamadda oo u fariisatay galdacwadeedka iyo eedeeymaha loo haystay Askariga ayaa go’aan kasoo saartay, waxaana lagu soo eedeeyay in uu horay dil ugu gaystay Askari ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka, kaasi oo lagu magacaabi jiray Nuuradiin deeq Maxamed.

- Advertisement -

Askariga Xukunka lagu riday oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan cabdullaahi Axmed, kaasi oo sida Maxkamaddu ay sheegtay dil u gaystay marxuum Nuuradiin deeq Maxamed ayaa horay loogu soo eedeyay in uu dilka gaystay.

Maxkamadda oo dhageysatay dhinacyada Marqaatiyaasha iyo caddeymaha kale ee lasoo bandhigay, ayay soo saartay go’aan rasmi ah oo ah xukunka lagu riday Cabdiraxmaan cabdullaahi Axmed Tooxow Taagene, oo ah Askariga dilka ku eedeysnaa,waxaana maxkamaddu ay ku ridday 15 sano xabsi ah iyo in uu bixiyo 100 halaad oo ah diyada marxuumkii uu dilay.

 

- Advertisement -

 

Latest stories