HomeWararXildhibaan kusoo baxay Doorasho aan tartan loo gelin kana dhacday Magaalada Kismaayo

Xildhibaan kusoo baxay Doorasho aan tartan loo gelin kana dhacday Magaalada Kismaayo

Date:

Related stories

Somalia Completes First Legal Internship for 34 Women Lawyers

Thirty-four women lawyers complete Somalia's first national legal empowerment internship, boosting female representation across courts and prosecution services.

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Musharax Xasan Cismaan Aadan ayaa u tanaasulay Musharaxa la tartamayey oo ah Maxamed Sheekh Nuur Cismaan kuwaa oo ku tartamayey doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee kursiga tirsigiisu yahay #HOP107. Ergada u codeeneysay kursiga HOP107 ayaa dhammaan cod gacan taag ah siiyey Maxamed Sheekh Nuur Cismaan oo ku guuleystay doorashadii Goordhow ka dhacday Magaalada Kismaayo, […]

- Advertisement -

Musharax Xasan Cismaan Aadan ayaa u tanaasulay Musharaxa la tartamayey oo ah Maxamed Sheekh Nuur Cismaan kuwaa oo ku tartamayey doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee kursiga tirsigiisu yahay #HOP107.

Ergada u codeeneysay kursiga HOP107 ayaa dhammaan cod gacan taag ah siiyey Maxamed Sheekh Nuur Cismaan oo ku guuleystay doorashadii Goordhow ka dhacday Magaalada Kismaayo, kadib markii uu tanaasulay Musharaxiin la tartami lahaa.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Guddiga hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland SEIT Dr Siyaad Maxamed Mursal ayaa ku dhawaaqay natiijada, isagoo sheegay in sidaa uu ku guuleeystay kursiga HOP 107 Madamed Sheekh Nuur Cismaan.

Doorashada kursiga koowaad ee Maanta ka dhacday Kismaayo ayaa waxaa uu kusoo baxay Cumar Ibraahim Xaashi oo helay Codad gaaraya 80 Cod, halka Musharaxii la tartamay uu isna 12 Cod helay, 8 Cod ayaa halaawday.

Doorashada 4 kursi kale ayaa isla Maanta lagu qaban doonaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, sida uu qorshahu yahay…

Latest stories