HomeWararXildhibaan kamid noqday Golaha Shacabka oo Goordhow lagu doortay Kismaayo

Xildhibaan kamid noqday Golaha Shacabka oo Goordhow lagu doortay Kismaayo

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Waxaa Goordhow Magaalada Kismaayo kusoo dhammaatay doorashad Golaha Shacabka Baarlamaanka ee kursiga tirsigiisu yahay HOP114, kaasi oo ay ku tartameen laba Musharax oo kala ahaa Cumar Ibraahim Xaashi iyo Cabdi Aadan Cabdullaahi. Doorashada kursiga HOP114 ee deegaan doorashadiisu tahay Jubbaland ayaa waxaa ku soo baxay oo loo doortay Cumar Ibraahim Xaashi oo helay Codad gaaraya […]

- Advertisement -

Waxaa Goordhow Magaalada Kismaayo kusoo dhammaatay doorashad Golaha Shacabka Baarlamaanka ee kursiga tirsigiisu yahay HOP114, kaasi oo ay ku tartameen laba Musharax oo kala ahaa Cumar Ibraahim Xaashi iyo Cabdi Aadan Cabdullaahi.

Doorashada kursiga HOP114 ee deegaan doorashadiisu tahay Jubbaland ayaa waxaa ku soo baxay oo loo doortay Cumar Ibraahim Xaashi oo helay Codad gaaraya 80 Cod, halka Musharaxii la tartamay uu isna 12 Cod helay, 8 Cod ayaa halaawday.

- Advertisement -

Gudoomiyaha Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Jubaland SEIT Dr. Siyaad Maxamed Mursar ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadii dhacday, wxuuuna sheegay in kursiga HOP114 uu ku guuleystay Cumar Ibraahim.

Xildhibaan Cumar Ibraahim ayaa kamid noqday Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, waxaana doorashadiisa goobjoog ka ahaa wafdi ka socda Guddiga doorashooyinka heer Federaal iyo kuwa Guddiga hirgalinta doorashooyinka Jubbaland.

Doorashada 5 kursi kale ayaa isla Maanta lagu qaban doonaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, sida uu qorshahu yahay…

Latest stories