HomeWararRa’iisul Wasaarihii hore ee dalka oo su’aal geliyay in Doorasho lagu qabto...

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka oo su’aal geliyay in Doorasho lagu qabto Xero Ciidan

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa Digniin cusub kasoo saaray qaabka ay ku socoto doorashada Golaha Shacabka oo ka bilaabatay inta badan Maamul Goboleedyada dalka. Cumar Cabdirashiid oo Qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay inay xun tahay xaaladda ay ku socoto doorashada Golaha Shacabka, isla markaana waxaa uu su’aan geliyay […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa Digniin cusub kasoo saaray qaabka ay ku socoto doorashada Golaha Shacabka oo ka bilaabatay inta badan Maamul Goboleedyada dalka.

Cumar Cabdirashiid oo Qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay inay xun tahay xaaladda ay ku socoto doorashada Golaha Shacabka, isla markaana waxaa uu su’aan geliyay cidda ay kula xisaabtamayaan dhibaatooyin ka muuqda doorashada.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa tilmaamay in xaqiiqda doorashada marka la eego ay tahay wax aad looga argagaxo, ayna wixii hore looga digayay ee aheyd in la boobo doorashada.

Sidoo kale Cumar Cabdirashiid ayaa dhaliilay in doorashada Golaha Shacabka lagu qabto xero Ciidan, xili shalay Guddiga doorashada Puntland ay doorashada kuraastii ugu horreeysay lagu qabtay Xerada Ciidamada 54-aad ee ku taalla Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

“Haddii doorasho lagu qabto xeryo ciidan, waa maxay khatarta ah in FEAT ay si cad u wajahdo sharci-darradaas. Yaan ku xisaabtameynaa liiskan dhibaatooyinka aan dhammaadka lahayn ee muuqda. Wax kasta oo la kariyey miyaynu si nacasnimo ah u aqbalinnaa. Xaqiiqadu waxay u muuqataa mid aad uga argagax badan waxa aan ka baqaynay” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid oo su’aal geliyay in doorasho lagu qabto Xero Ciidan…

Latest stories