HomeWararMustafe Cagjar oo war kasoo saaray go’aan ay Golaha Wasiirada Somalia gaareen...

Mustafe Cagjar oo war kasoo saaray go’aan ay Golaha Wasiirada Somalia gaareen  

Date:

Related stories

Somalia Completes First Legal Internship for 34 Women Lawyers

Thirty-four women lawyers complete Somalia's first national legal empowerment internship, boosting female representation across courts and prosecution services.

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaali Galbeed Mustafe Cagjar ayaa war kasoo saaray go’aankii Golaha Fulinta ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ku buriyeen go’aan hore oo ururka ONLF loogu aqoonsaday inuu yahay urur argagixiso. Mustafe ayaa soo dhaweeyay talalabada ay qaateen RW Rooble iyo Wasiiradiisa, waxaana sidoo kale uu  ka hadlay go’aankii Abdikarim Sheikh Muuse (Qalbidhagax) loogu gaacngaliyay […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaali Galbeed Mustafe Cagjar ayaa war kasoo saaray go’aankii Golaha Fulinta ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ku buriyeen go’aan hore oo ururka ONLF loogu aqoonsaday inuu yahay urur argagixiso.

Mustafe ayaa soo dhaweeyay talalabada ay qaateen RW Rooble iyo Wasiiradiisa, waxaana sidoo kale uu  ka hadlay go’aankii Abdikarim Sheikh Muuse (Qalbidhagax) loogu gaacngaliyay Itoobiya.

- Advertisement -

Waxaa uu carrabka ku dhuftay Mustafe Cagjar in Go’aankaas hore uu ahaa ficil argagax galiyay shacabkii dulmanaa ee Deegaanka Soomaalida, xad-gudubna uu ku ahaa dhaqanka dawladnimo, ka Soomaalinimo iyo ka islaanimaba, kaasi oo si weyn ay uga xumaadeen shacabka Soomaaliyeed, maaddama muwaadin Soomaaliyeed loo gacan galiyay Cadaw, sidoo kalena urur xaq u dirir ah oo Soomaaliyeed loo aqoonsaday Arga-gixiso.

Hoos ka akhriso Qoraalka uu soo saaray Mustafe Cagjar

Waxaan si wayn u soo dhawaynayaa go’aanka Golaha Fulinta ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ku buriyeen go’aan hore oo ururka ONLF loogu aqoonsaday inuu yahay urur argagixiso ah, gacan cadawna lagu galiyay halgamaa Abdikarim Sheikh Muuse (Qalbidhagax).

- Advertisement -

Go’aankaas hore wuxuu ahaa ficil argagax galiyay shacabkii dulmanaa ee Deegaanka Soomaalida, xad-gudubna ku ahaa dhaqanka dawladnimo, ka Soomaalinimo iyo ka islaanimaba.

Waxaa kale oo aan dhaleeceeynaynaa ficiladii lamidka ahaa ee Deegaano kale oo Soomaaliyeed cadaw ugu soo gacan-geliyeen halgamayaal Soomaaliyeed oo diidaanaa tacadigii lagu hayay dadkooda.

Waxaan rajaynayaa in taariikhdaas madow ee uur-ku-taaladda leh, xiligii ay dhacaysayna aan dhaleeceeynay, cashir iyo cibro-qaadasho u noqoto cid walba oo xadgudbkaas samaysay. Waxaan ugu baaqayaa inay ka bixiyaan raali-galin buuxda.

Latest stories