HomeWararAkhriso:-Wasiir Beyle oo si kulul uga hadlay warar laga faafiyay

Akhriso:-Wasiir Beyle oo si kulul uga hadlay warar laga faafiyay

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa si kulul kaga hadlay warar saacadihii lasoo dhaafay si weyn looga faafiyay, kuwaasi oo ku aaddanaa Go’aankii maanta Golaha Wasiirada Rooble ay ku laaleen tallaadii ururka xaq u dirirka ah ee ONLF loogu aqoonsaday Argagixiso. Warar laga faafiyay oo si weyn Baraha Bulshada la iskula dhexmaray, […]

- Advertisement -

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa si kulul kaga hadlay warar saacadihii lasoo dhaafay si weyn looga faafiyay, kuwaasi oo ku aaddanaa Go’aankii maanta Golaha Wasiirada Rooble ay ku laaleen tallaadii ururka xaq u dirirka ah ee ONLF loogu aqoonsaday Argagixiso.

Warar laga faafiyay oo si weyn Baraha Bulshada la iskula dhexmaray, ayaa dahaarnaa in Wasiir Beyle uu maanta ka aamusay codayntii gacan taagga ahayd ee ururka ONLF looga saarayay Argagixisada, maadaama xukuumaddii ka horreysay RW Rooble ay horay u sheegtay in uururklaasi uu yahay mid arga-gixiso ah.

- Advertisement -

Cabduraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in arrintaasi ay tahay mid ben abuur ah oo laga fafiyay, taasi oo aan sal iyo raad toona laahayn.

Waxaa uu sheegay in marnaba uusan diidin amase uusan ka hor imaan tallaabada ay qaadeen Golaha Wasiiradu, waxaana uu sheegay in uu soo jeediyay in ka doodista arrinta lagu soo daro ajandaha oo la weyneeyo, maaddaama aysan ku jirin Ajanddayaashii maanta loo  madalsanaa.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya maxamed Xuseen Rooble ayuu aad ugu mahadceliyay, maaddaama uu qaaday tallaabo sida uu sheegay loo baahnaa,muhiimna ahayd.

- Advertisement -

Hadalka Wasiir Beyle ayaa imaanaya, iyadoo kulan ay yeesheen Golaha Wasiirada Soomaaliya ay ku laaleen tallaadii ururka ONLF loogu aqoonsaday Argagixiso.

 

 

 

Latest stories