HomeWararGolaha Wasiirada Xilgaarsiinta oo ka laabtay Go’aankii ONLF ugu aqoonsadeen Agagixiso

Golaha Wasiirada Xilgaarsiinta oo ka laabtay Go’aankii ONLF ugu aqoonsadeen Agagixiso

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta ayaa Maanta oo Axad yeeshay kulan aan caadi aheyn oo uu shir guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble. Kulanka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirka ayaa waxaa looga hadlay Arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin xaaladda dalka, siyaasadda, amniga iyo dib uga laabasha Go’aan ay horey Xukuumaddii […]

- Advertisement -

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta ayaa Maanta oo Axad yeeshay kulan aan caadi aheyn oo uu shir guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble.

Kulanka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirka ayaa waxaa looga hadlay Arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin xaaladda dalka, siyaasadda, amniga iyo dib uga laabasha Go’aan ay horey Xukuumaddii Xasan Cali Kheyre u gaartay.

- Advertisement -

Golaha Wasiirrada ayaa ayaa ansixiyay in laga laabto go’aan uu horay u gaaray Golaha Xukuumadda Sanadkii 2017, kaas oo ururka ONLF u aqoonsaday urur agagixiso, ka dib dhiibistii Cabdikariin Muuse Qalbi dhagax oo loo gacan geliyay Itoobiya.

Wasiirada ayaa inta badan u codeeyay qaraarkaas maanta la horkeenay Golaha Wasiirada Xukuumadda xilgaarsiinta, iyadoo Wasiirka kaliya ee diiday uu ahaa Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, halka uu ka aamusay Wasiir Xamse Maxamed Xamse.

Golihii Wasiirada ee Xukuumaddii Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa sanadkii 2017 u aqoonsaday ONLF inay tahay Urur Argagixiso ah, sidoo kalena sharci ka dhigtay go’aankii dhiibistii C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax.

Latest stories