HomeWararWasiir ka tirsan Xukuumadda Rooble oo ku guuleystay Doorasho ka dhacday Garoowe

Wasiir ka tirsan Xukuumadda Rooble oo ku guuleystay Doorasho ka dhacday Garoowe

Date:

Related stories

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Government, Opposition Reach Election Consensus

Political talks underway in Mogadishu have made significant progress,...

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa ku guuleystay oo kusoo baxay kursiga tirsigiisu yahay Hop#235 ee Golaha shacabka oo doorashadiisu Maanta ka qabsoontay Magaalada Garoowe. Wasiir Cabdullaahi Bidhaan ayaa waxaa kursiga kula tartamay Musharax lagu magacaabo Cabdixakiin Jaamac Xasan, waxaana Wasiirka uu helay Codad gaaraya 99 Cod, halka Musharaxii la […]

- Advertisement -

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa ku guuleystay oo kusoo baxay kursiga tirsigiisu yahay Hop#235 ee Golaha shacabka oo doorashadiisu Maanta ka qabsoontay Magaalada Garoowe.

Wasiir Cabdullaahi Bidhaan ayaa waxaa kursiga kula tartamay Musharax lagu magacaabo Cabdixakiin Jaamac Xasan, waxaana Wasiirka uu helay Codad gaaraya 99 Cod, halka Musharaxii la tartamayey ee Cabdixakiin Jaamac uu isna helay 2 Cod.

- Advertisement -

Doorashada kursiga Hop#235 ayaa waxaa coddeeysay 101 qof, sida ay shaaciyeen Guddiga doorashada Maamulka Puntland oo ku dhawaaqay Natiijada, iyagoona sheegay in doorashadii dhacday uu ku guuleystay Wasiir Cabdullaahi Bidhaan Warsame.

Wafdi ka socday Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa goobjoog ka ahaa doorashadii ka dhacday Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, waxaana halkaas lagu doortay Maanta kuraas ka tirsan Golaha Shacabka oo gaareysa 5 kursi.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdi Ibraahim (Qawdhan) ayaa ku soo baxay kursiga HOP196, halka Cabdullaahi Xasan Rooble oo ah Wasiirka  Waxbarashada Puntland uu ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP249 .

Latest stories