HomeWararWasiir ka tirsan Xukuumadda Rooble oo ku guuleystay Doorasho ka dhacday Garoowe

Wasiir ka tirsan Xukuumadda Rooble oo ku guuleystay Doorasho ka dhacday Garoowe

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa ku guuleystay oo kusoo baxay kursiga tirsigiisu yahay Hop#235 ee Golaha shacabka oo doorashadiisu Maanta ka qabsoontay Magaalada Garoowe. Wasiir Cabdullaahi Bidhaan ayaa waxaa kursiga kula tartamay Musharax lagu magacaabo Cabdixakiin Jaamac Xasan, waxaana Wasiirka uu helay Codad gaaraya 99 Cod, halka Musharaxii la […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa ku guuleystay oo kusoo baxay kursiga tirsigiisu yahay Hop#235 ee Golaha shacabka oo doorashadiisu Maanta ka qabsoontay Magaalada Garoowe.

Wasiir Cabdullaahi Bidhaan ayaa waxaa kursiga kula tartamay Musharax lagu magacaabo Cabdixakiin Jaamac Xasan, waxaana Wasiirka uu helay Codad gaaraya 99 Cod, halka Musharaxii la tartamayey ee Cabdixakiin Jaamac uu isna helay 2 Cod.

- Advertisement -

Doorashada kursiga Hop#235 ayaa waxaa coddeeysay 101 qof, sida ay shaaciyeen Guddiga doorashada Maamulka Puntland oo ku dhawaaqay Natiijada, iyagoona sheegay in doorashadii dhacday uu ku guuleystay Wasiir Cabdullaahi Bidhaan Warsame.

Wafdi ka socday Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa goobjoog ka ahaa doorashadii ka dhacday Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, waxaana halkaas lagu doortay Maanta kuraas ka tirsan Golaha Shacabka oo gaareysa 5 kursi.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdi Ibraahim (Qawdhan) ayaa ku soo baxay kursiga HOP196, halka Cabdullaahi Xasan Rooble oo ah Wasiirka  Waxbarashada Puntland uu ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP249 .

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts