HomeWararAkhriso:-Magacyada Xildhibaanada Maanta kusoo baxay Doorashadii Garoowe

Akhriso:-Magacyada Xildhibaanada Maanta kusoo baxay Doorashadii Garoowe

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Waxaa Maanta oo sabti ah Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ka dhacday doorashada kuraastii ugu horreeysay ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay Puntland. Kursiga koowaad ee doorashadii Maanta dhacday ayaa waxaa uu tirsigiisu yahay Hop#196 oo ay ku tartameen labada Musharax oo kala ahaa Abshir Cabdi Xuseen […]

- Advertisement -

Waxaa Maanta oo sabti ah Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ka dhacday doorashada kuraastii ugu horreeysay ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay Puntland.

Kursiga koowaad ee doorashadii Maanta dhacday ayaa waxaa uu tirsigiisu yahay Hop#196 oo ay ku tartameen labada Musharax oo kala ahaa Abshir Cabdi Xuseen iyo Cabdi Ibraahim (Qawdhan oo ah Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyada Puntland.

- Advertisement -

101 Ergo ayaa doorashada coddeeysay, waxaana kursiga Hop#196 kusoo baxay oo ku guuleystay Cabdi Ibraahim oo helay Codad gaaraya 90 Cod, halka Musharaxii la tartamayey isna uu helay 6 Cod, sida ay shaaciyeen Guddiga doorashada Maamulka Puntland.

Kursiga labaad ee tirsigiisu ahaa Hop#249 ayaa waxaa ku tartamay Musharaxiinta kala ah Cali Yuusuf Cali Xoosh iyo Cabdiwaaxid Abshir Ibraahim, isla markaana waxaa ku guuleystay doorashada Cali Xoosh oo helay 93 Cod oo afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey kursigaas.

Doorashada kursiga saddexaad ee tirsigiisu ahaa HOP249 ayaa waxaa ku tartamay Cabdullaahi Xasan Rooble iyo Cabdirisaaq Maxamed Ciise, waxaana ku guuleystay oo kusoo baxay kursiga Cabdullaahi Xasan oo ah Wasiiru-dowlaha Waxbarashada Puntland, isagoo helay 93 Cod.

- Advertisement -

Kursiga afaarad ee Maanta doorashadiisa ka dhacday Magaalada Garoowe oo tirsigiisu yahay HOP235 ayaa waxaa ku tartamay Cabdixakiin Jaamac Xasan iyo Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo ah Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, isla markaana waxaa uu kusoo baxay Wasiir Bidhaan oo helay 99 Cod.

Ugu dambeyn kursiga shanaad ayaa waxaa ku tartamay Musharax Axmed Cabdi Xaashi ( Axmed Taajir ) iyo Axmed C/salaam Ibraahim, wuxuuna kursiga tirsigiisu yahay HOP166, isla markaana waxaa kusoo baxay oo ku guuleystay Axmed Taajir oo helay 98 Cod.

Latest stories