HomeWararXildhibaanada Golaha degaanka Degmo ka tirsan Puntland oo Shuruudo lagu soo rogay

Xildhibaanada Golaha degaanka Degmo ka tirsan Puntland oo Shuruudo lagu soo rogay

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Xildhibaanadii Golaha deegaanka Qardho ee Gobolka Karkaar Puntland ee kusoo baxay doorashadii qof iyo Codka aheyd ee ka dhacday Magaaladaas ayaa waxaa lagu soo rogay shuruudo cusub oo laga rabo inay fuliyaan xubnaha Golaha deegaanka. Warqad kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdi Siciid Cismaan ayaa lagu shaaciyay shuruudaha cusub ee lagu soo rogay Xildhibaanadii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xildhibaanadii Golaha deegaanka Qardho ee Gobolka Karkaar Puntland ee kusoo baxay doorashadii qof iyo Codka aheyd ee ka dhacday Magaaladaas ayaa waxaa lagu soo rogay shuruudo cusub oo laga rabo inay fuliyaan xubnaha Golaha deegaanka.

Warqad kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdi Siciid Cismaan ayaa lagu shaaciyay shuruudaha cusub ee lagu soo rogay Xildhibaanadii Golaha deegaanka Qardho, waxaana shuruudaha ay ka kooban yihiin 12 Qodob.

- Advertisement -

Qoraalka Guddoomiye Cabdi Siciid ayaa waxaa lagu sheegay in Golaha deegaanka uu aysan ka mid noqon doonin ciddii aan buuxin shuruudahaas la rabo, isla markaana aysan ka qayb geli doonin doorashada Duqa degmada.

Shuruudaha waxa kamid ah; in qofku sumad wanaagsan leeyahay iyo in uu la yimaado Warqadda denbi la’aanta ee Waaxda CID-da, sidoo kalena uusan ka tirsaneynin ururo hubeysan, uuna bixiyo $300 Dollar oo Lacag diiwaan-gelin ah.

Qofka u sharraxan Duqa degmada Qardho ee Gobolka Karkaar Puntland ayaa isna laga rabaa $1000 Dollar oo diiwaan-gelina, halka ku-xigeenka Duqa laga rabo $500 Dollar oo diiwaan-gelin ah, uuna qofka noqdo mid sumad ku dhex leh Bulshada dhex-dheeda.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts