HomeWararXildhibaanada Golaha degaanka Degmo ka tirsan Puntland oo Shuruudo lagu soo rogay

Xildhibaanada Golaha degaanka Degmo ka tirsan Puntland oo Shuruudo lagu soo rogay

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Xildhibaanadii Golaha deegaanka Qardho ee Gobolka Karkaar Puntland ee kusoo baxay doorashadii qof iyo Codka aheyd ee ka dhacday Magaaladaas ayaa waxaa lagu soo rogay shuruudo cusub oo laga rabo inay fuliyaan xubnaha Golaha deegaanka. Warqad kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdi Siciid Cismaan ayaa lagu shaaciyay shuruudaha cusub ee lagu soo rogay Xildhibaanadii […]

- Advertisement -

Xildhibaanadii Golaha deegaanka Qardho ee Gobolka Karkaar Puntland ee kusoo baxay doorashadii qof iyo Codka aheyd ee ka dhacday Magaaladaas ayaa waxaa lagu soo rogay shuruudo cusub oo laga rabo inay fuliyaan xubnaha Golaha deegaanka.

Warqad kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdi Siciid Cismaan ayaa lagu shaaciyay shuruudaha cusub ee lagu soo rogay Xildhibaanadii Golaha deegaanka Qardho, waxaana shuruudaha ay ka kooban yihiin 12 Qodob.

- Advertisement -

Qoraalka Guddoomiye Cabdi Siciid ayaa waxaa lagu sheegay in Golaha deegaanka uu aysan ka mid noqon doonin ciddii aan buuxin shuruudahaas la rabo, isla markaana aysan ka qayb geli doonin doorashada Duqa degmada.

Shuruudaha waxa kamid ah; in qofku sumad wanaagsan leeyahay iyo in uu la yimaado Warqadda denbi la’aanta ee Waaxda CID-da, sidoo kalena uusan ka tirsaneynin ururo hubeysan, uuna bixiyo $300 Dollar oo Lacag diiwaan-gelin ah.

Qofka u sharraxan Duqa degmada Qardho ee Gobolka Karkaar Puntland ayaa isna laga rabaa $1000 Dollar oo diiwaan-gelina, halka ku-xigeenka Duqa laga rabo $500 Dollar oo diiwaan-gelin ah, uuna qofka noqdo mid sumad ku dhex leh Bulshada dhex-dheeda.

Latest stories