HomeWararXildhibaan hore uga tirsanaa Baarlamaanka oo mar kale lagu doortay Baydhabo

Xildhibaan hore uga tirsanaa Baarlamaanka oo mar kale lagu doortay Baydhabo

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Waxaa Goordhow Magaalada Baydhabo ee Xarunta Baay kusoo dhammaatay doorashada kursi ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka oo deegaan doorashadiisu tahay Koonfur Galbeed. Laba Musharax ayaa ku tartamay kursiga tirisgiisu yahay HOP184 oo afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyay Xasan Cabdinuur Cabdi, waxaana doorashadii Maanta dhacday ee kursigaas ku tartamay Xasan […]

- Advertisement -

Waxaa Goordhow Magaalada Baydhabo ee Xarunta Baay kusoo dhammaatay doorashada kursi ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka oo deegaan doorashadiisu tahay Koonfur Galbeed.

Laba Musharax ayaa ku tartamay kursiga tirisgiisu yahay HOP184 oo afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyay Xasan Cabdinuur Cabdi, waxaana doorashadii Maanta dhacday ee kursigaas ku tartamay Xasan Cabdinuur iyo Maxamed Cabdullaahi Cali.

- Advertisement -

Ergada loo xulay doorashada kursigaan HOP184 ayaa mar kale Xasan Cabdinuur Cabdi u doortay inuu noqdo Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka, isla markaana waxaa uu helay codad gaaraya 72, halka Maxamed Cabdullaahi uu isna helay 27 Cod.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay Natiijada codeynta, isagoona sheegay in doorashada uu ku guuleystay Xasan Cabdinuur oo afartii sanno ee lasoo dhaafay ahaa Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.

Doorashada kuraasta harsan ee afarta ah ayaa isla Maanta ka dhici doonta Magaalada Baydhabo, waxaana doorashada ku tartamaya Musharaxiin dhowr ah oo Guddiga doorashada Koonfur Galbeed diiwaan-geliyeen.

Latest stories