HomeWararJeneraal Xuud oo soo gaaray Magaalada Muqdisho iyo ujeedka safarkiisa

Jeneraal Xuud oo soo gaaray Magaalada Muqdisho iyo ujeedka safarkiisa

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo ah hoggaamiyaha kacdoonka Jabhadda Hiiraan ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho, isagoo ka soo degay diyaarad kasoo qaaday Magaalada Baladweyne, taasi oo keentay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Jeneraal Xuud oo uu la socday Taliyaha Ciidanka Lugta Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan […]

- Advertisement -

Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo ah hoggaamiyaha kacdoonka Jabhadda Hiiraan ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho, isagoo ka soo degay diyaarad kasoo qaaday Magaalada Baladweyne, taasi oo keentay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Jeneraal Xuud oo uu la socday Taliyaha Ciidanka Lugta Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka iyo Mas’uuliyiin kale.

- Advertisement -

Ujeedka Jeneraal Xuud uu u yimid Muqdisho ayaa waxaa uu yahay kulan uu la qaadan doono Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay ka wada hadli doonaa Arrimo la xiriira Hirshabeelle.

Maalmo kahor Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) iyo Taliyaha Ciidanka Lugta Jeneraal Biixi ayaa kulamo gaar gaar ah ku yeeshay Magaalada Baladweyne, iyagoona heshiis is af-garad ah ka gaaray xiisada Baladweyne iyo heshiis uu la galayo dowladda.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Xuud uu heshiis rasmi ah la gaaro dowladda Federaalka, isla markaana lagu qanciyo in uu ogolaado maamulka Hirshabeelle iyo in Baladweyne doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ka dhacdo.

- Advertisement -

Jeneraal Xuud ayaa mudo sanad ka badan diidanaa Maamulka Hirshabeelle, waxa uuna diiday in Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe tego Magaalada Baladweyne oo dhowr jeer la isku dayey inuu tego.

Latest stories