HomeWararRa’iisul Wasaare Rooble oo Amar cusub kusoo rogay Hay’addaha amniga Dowladda

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Amar cusub kusoo rogay Hay’addaha amniga Dowladda

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo maanta guddoomiyay Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, ayaa uga warbixiyay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhammeystirka doorashooyinka. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in  Xukuumadda iyo dhammaan dhinacyada ay ka go’an tahay in ay doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ku dhammaato xilligii lagu heshiiyay. […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo maanta guddoomiyay Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, ayaa uga warbixiyay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhammeystirka doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in  Xukuumadda iyo dhammaan dhinacyada ay ka go’an tahay in ay doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ku dhammaato xilligii lagu heshiiyay.

- Advertisement -

Isagoo ka hadlayay amniga dalka, ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble faray hay’adaha amnigu in ay xoogga saaraan sugidda ammaanka dalka, isagoo ku amray laamaha amnigu in aysan ku milmin siyaasadda, xooggoodana isugu geeyaan la dagaallanka Al-shabaab.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ku dhaqmeyso siyaasad arrimo dibadeed oo ku saleysan halka ay ku jirto maslaxadda Ummadda Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in aysan suurto gal ahayn in Soomaaliya ay colaadiso dalal ay kala dhexeeyaan dano badan.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta ayaa faray wasiirrada iyo madaxda kale ee hay’adaha xukuumaddu in aysan ku tagri falin awoodda iyo hantida qaranka xilligan kala guurka ah.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts