HomeWararMaamulka G/Banaadir oo ka hadlay khasaaraha Qaraxii Maanta ka dhacay Muqdisho

Maamulka G/Banaadir oo ka hadlay khasaaraha Qaraxii Maanta ka dhacay Muqdisho

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay qaraxii Maanta ka dhacay wadada Afisyooni ee 21-ka Octoober ee degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, kaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah iyo Askar. Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Maamulka Gobolka la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxa oo loo adeegsaday […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay qaraxii Maanta ka dhacay wadada Afisyooni ee 21-ka Octoober ee degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, kaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah iyo Askar.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Maamulka Gobolka la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa uu dhacay, xili uu marayey meel ku dhow albaabka laga galo Xerada Afisyooni, ayna horey uga sii socdeen.

- Advertisement -

Guddoomiye Cali Cabdi Wardheere Cali Yare ayaa xaqiijiyay in qaraxa uu dhaliyey khasaaro dhimasho iyo dhaawac, waxaana uu sheegay in qaraxa ay ku dhinteen 5 Askari, halka 5 qof kalena oo shacab ahaa ay dhaawacmeen, kuwaasi oo la geeyay goobo Caafimaad.

Cali Yare ayaa waxaa uu tilmaamay in laamaha amniga ay wadaan baaritaano kala duwan oo ku aadan qaraxii ka dhacay Muqdisho, isla markaana Natiijada soo baxda ay la wadaagi doonaan shacabka, isagoona xusay in waxa dhacay ay yihiin dhibaatada ay ka digayeen.

Shacabka kunool Caasimadda ayuu Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir ugu baaqay inay guryahooda joogaan oo ay ka feejignaadan dhibaatooyinka, xiliyada qaarkood ka dhaca Magaalada.

- Advertisement -

Qaraxii ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa lala eegtay kolonyo  ay wateen Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay, waxaana qaraxaas kasoo gaaray khasaaro nafeed iyo gaadiid badan oo uga burburay, in kastoo aysan weli ka hadlay qaraxaas.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts