HomeWararKhasaaro ka dhashay dagaal dhex-maray Booliska Mudug iyo Koox Cabtooy ah

Khasaaro ka dhashay dagaal dhex-maray Booliska Mudug iyo Koox Cabtooy ah

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Dagaal xalay Magaalada Gaalkacyo ku dhex maray Ciidanka Booliska Gobolka Mudug iyo koox Cabtoy ah ayaa dhaliyay Khasaaro kala duwan oo soo gaaary Ciidanka iyo dadkii lagu dul dagaalamay. Booliska ayaa faah faahin ka bixiyay dagaalkaas ay la galen kooxda hubeysan ee Maandooriyaha k aka ganacsata, kuwaasi oo sida lasheegay haystay hub iyo gaadiid. Waxaana […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dagaal xalay Magaalada Gaalkacyo ku dhex maray Ciidanka Booliska Gobolka Mudug iyo koox Cabtoy ah ayaa dhaliyay Khasaaro kala duwan oo soo gaaary Ciidanka iyo dadkii lagu dul dagaalamay.

Booliska ayaa faah faahin ka bixiyay dagaalkaas ay la galen kooxda hubeysan ee Maandooriyaha k aka ganacsata, kuwaasi oo sida lasheegay haystay hub iyo gaadiid.

- Advertisement -

Waxaana dagaalkaasi uu sababay dhaawac Seddex Askari oo ka tirsan Booliska Gobolka Mudug, waxaana sidoo kale la sheegay in dadka degaanka ay xalay cabsi xooggani soo wajahday, kadib rasaas farabadan oo labaada dhinac isku adeegsadeen.

Sidoo kale Ciidanka ammaanka Gobolka Mudug ee Maamul Goboleedka Galmudug ayaa dhankooda qoraal ay soo saaren, waxaa ay ku sheegeen in howlgallo qorsheysan oo ay fuliyeen ay kusoo qabteen Hub, Gaadiid iyo Noocyo ka mid ah Maandooriyaha.

Howlgalka ay Ciidanka ammaanku ka sameeyeen  Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolkaasi ayaa waxaa saraakiishu ay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen kooxdii la dagaanlantay.

- Advertisement -

Waxaana ay intaa ku dareen ay yihiin haraaadiga kooxo kale oo haray gacanta loogu dhigay, kuwaasi oo si dhuumaalaysi ah maandooriyaha kusoo galin jiray Magaaladaasi iyo degaanno kale oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Tirada kooxda ay qabteen Ciidanka ammaanku ayaa la sheegay in tahay 8 ruux oo ku howlanaa falal ammaanka lid ku ah, iyagoo haysty hub, gaadiid iyo Maandooriye ka kooban dhowr nooc.

Saraakiisha ammaanka ayaa intaas ku daray in hadda ay ku raad joogaan kooxo kale oo degaanadaasi dhibaato ku haya, kuwaasi oo y sheegeen in sida ugu dhaqsiyaha badan sharciga loo hor gayn doono.

Gobolka Mudug ayaa waxaa dhawaanahaan kusoo badanayay kooxaha ka ganacsada maandooriyaha, kuwaasi oo dhibaato weyn ku haya xasiloonida degaanada Gobolkaasi, waxaana mararka qaar ka dhaca Gobolka falal ammaanka lid ku ah, inkastoo horay ay Ciidanka ammaanka Gobolka Mudug ay usoo bandhigeen shabakado ka ganacsan jiray Maandooriyaha.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts