HomeWararKhasaaro ka dhashay dagaal dhex-maray Booliska Mudug iyo Koox Cabtooy ah

Khasaaro ka dhashay dagaal dhex-maray Booliska Mudug iyo Koox Cabtooy ah

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Dagaal xalay Magaalada Gaalkacyo ku dhex maray Ciidanka Booliska Gobolka Mudug iyo koox Cabtoy ah ayaa dhaliyay Khasaaro kala duwan oo soo gaaary Ciidanka iyo dadkii lagu dul dagaalamay. Booliska ayaa faah faahin ka bixiyay dagaalkaas ay la galen kooxda hubeysan ee Maandooriyaha k aka ganacsata, kuwaasi oo sida lasheegay haystay hub iyo gaadiid. Waxaana […]

- Advertisement -

Dagaal xalay Magaalada Gaalkacyo ku dhex maray Ciidanka Booliska Gobolka Mudug iyo koox Cabtoy ah ayaa dhaliyay Khasaaro kala duwan oo soo gaaary Ciidanka iyo dadkii lagu dul dagaalamay.

Booliska ayaa faah faahin ka bixiyay dagaalkaas ay la galen kooxda hubeysan ee Maandooriyaha k aka ganacsata, kuwaasi oo sida lasheegay haystay hub iyo gaadiid.

- Advertisement -

Waxaana dagaalkaasi uu sababay dhaawac Seddex Askari oo ka tirsan Booliska Gobolka Mudug, waxaana sidoo kale la sheegay in dadka degaanka ay xalay cabsi xooggani soo wajahday, kadib rasaas farabadan oo labaada dhinac isku adeegsadeen.

Sidoo kale Ciidanka ammaanka Gobolka Mudug ee Maamul Goboleedka Galmudug ayaa dhankooda qoraal ay soo saaren, waxaa ay ku sheegeen in howlgallo qorsheysan oo ay fuliyeen ay kusoo qabteen Hub, Gaadiid iyo Noocyo ka mid ah Maandooriyaha.

Howlgalka ay Ciidanka ammaanku ka sameeyeen  Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolkaasi ayaa waxaa saraakiishu ay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen kooxdii la dagaanlantay.

- Advertisement -

Waxaana ay intaa ku dareen ay yihiin haraaadiga kooxo kale oo haray gacanta loogu dhigay, kuwaasi oo si dhuumaalaysi ah maandooriyaha kusoo galin jiray Magaaladaasi iyo degaanno kale oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Tirada kooxda ay qabteen Ciidanka ammaanku ayaa la sheegay in tahay 8 ruux oo ku howlanaa falal ammaanka lid ku ah, iyagoo haysty hub, gaadiid iyo Maandooriye ka kooban dhowr nooc.

Saraakiisha ammaanka ayaa intaas ku daray in hadda ay ku raad joogaan kooxo kale oo degaanadaasi dhibaato ku haya, kuwaasi oo y sheegeen in sida ugu dhaqsiyaha badan sharciga loo hor gayn doono.

Gobolka Mudug ayaa waxaa dhawaanahaan kusoo badanayay kooxaha ka ganacsada maandooriyaha, kuwaasi oo dhibaato weyn ku haya xasiloonida degaanada Gobolkaasi, waxaana mararka qaar ka dhaca Gobolka falal ammaanka lid ku ah, inkastoo horay ay Ciidanka ammaanka Gobolka Mudug ay usoo bandhigeen shabakado ka ganacsan jiray Maandooriyaha.

Latest stories