HomeWararMaareeye oo mar kale loo doortay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka

Maareeye oo mar kale loo doortay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Doorashada kursi kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa Goordhow ka dhacday Xarunta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye, Magaalada Muqdisho. Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP225 ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo ah Cabdiraxmaan Warsame Saciid iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Doorashada kursi kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa Goordhow ka dhacday Xarunta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye, Magaalada Muqdisho.

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP225 ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo ah Cabdiraxmaan Warsame Saciid iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

- Advertisement -

Doorashada ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo mar kale loo doortay inuu noqdo Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, isla markaana waxaa uu helay Codad gaaraya 96 Cod.

Musharaxii la tartamay Maareeye oo ahaa Cabdiraxmaan Warsame Saciid ayaa isna helay 3 Cod, waxaana halaabay laba Cod, sida uu shaaciyay Guddoomiyaha Guddiga doorashada Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Doorashada kuraasta kale ee Gobolada Waqooyi ee Golaha Shacabka Maanta dhaceysa ayaa haatan ka bilaabatay Xarunta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts