HomeWararFaah faahin:-Carruur Dhimasho iyo dhaawac ku noqotay walxo Qarxa oo ay ku...

Faah faahin:-Carruur Dhimasho iyo dhaawac ku noqotay walxo Qarxa oo ay ku ciyaarayeen

Date:

Related stories

Mucaaradka iyo Safiirka Turkiga oo ku shiraya hoyga Shariif Sheekh Axmed

Safiirka Turkiga iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo ku shiraya hoyga Sheekh Shariif.

Xog: Maxay tahay xarunta cusub ee ‘Halmeel’ ee maanta Golaha Wasiirradu ansixiyeen?

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey dhismaha xarunta adeegga mideysan ee "Halmeel".

Kuleylkii oo laga nastay: Roobka maanta ka da’ay Muqdisho oo dadku ku diirsadeen.

Dadweynaha oo si weyn u soo dhaweeyay nafiskan ka dib kulaylkii jiray.

Turkiga oo ka dhabeynaya ballantii: Ciidamada Soomaaliya oo helaya garab cusub oo toos ah.

Turkiga oo ballan-qaaday taageero toos ah oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish.

Xog: Sirdoonka qaranka oo fashiliyay shirqool weyn oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe.

Hay’adda NISA oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal dhabbagal ah ka fulisay Shabeellaha Dhexe.

Wararka aan ka heleyno Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in daqiiqado kahor uu Magaaladaas ka dhacay qarax ka dhashay haraadiga walxo qarxa oo ay ciyaarayeen Carruur yaryar.

Carruurta ayaa waxyaabaha qarxa kasoo qaaday aaga Xarunta Jaamacadda ee Guriceel, iyagoona garaacay, kadibna ku qaraxday Carruurtaas, isla markaana waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay saddex Carruur ah ayaa goobta ku geeriyootay, halka 2 Carruur kalena iyo hooyada dhashay ay ku dhaawacmeen qaraxa, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad oo ku taalla Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan iyo Carruurta geeriyootay iyo kuwa dhaawacmay ay isku qoys ahaayeen, waxaana goobta uu falku ka dhacay tegay Ciidamo Boolis iyo qaar kamid ah dad ku sugnaa meel aan halkaas ka fogeyn.

Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa dhawaan ka dhacay dagaalo xoogan  oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Maamulka Galmudug oo isku dhinac ah iyo Ciidanka Ahlusunna oo markii dambe isaga baxay Magaaladaas.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories