HomeWararMaamulka Galmudug oo Maanta soo Gaba-geeyay Doorashada Aqalka Sare

Maamulka Galmudug oo Maanta soo Gaba-geeyay Doorashada Aqalka Sare

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa Maanta oo sabti ah lagu soo gaba-gabeeyay doorashada kuraasta Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Galmudug, Doorashadii Maanta dhacday ayaa waxaa lagu doortay laba Senator oo kamid noqday Golaha Aqalka Sare, waxaana kursiga 7-aad kusoo baxay Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, kadib markii uu tanaasulay Musharaxii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa Maanta oo sabti ah lagu soo gaba-gabeeyay doorashada kuraasta Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Galmudug,

Doorashadii Maanta dhacday ayaa waxaa lagu doortay laba Senator oo kamid noqday Golaha Aqalka Sare, waxaana kursiga 7-aad kusoo baxay Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, kadib markii uu tanaasulay Musharaxii la tartamayey ee Cawil Nuur Cali.

- Advertisement -

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa Cod gacan taag ah ku doortay Cabdi Qeybdiid oo helay 83 Cod, halka kursiga 8-aad ee Aqalka Sare ee Galmudug uu ku guuleystay Cabdi Cismaan Xareed, isagoo ka guuleystay Musharax Mahad Guuleed.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal oo ku dhawaaqay natiijada doorashada ayaa ku shaaciyay in doorashadii Maanta ay kusoo baxeen Cabdi Qeybdiid iyo Cabdi Cismaan Xareed, kuwaasi oo kamid noqday Senatorada Aqalka Sare.

Wafdi ka kala socda Guddiga doorashooyinka heer Federaal, kuwa xalinta khilaafaadka iyo Guddiga doorashada Galmudug ayaa goobjoog ka ahaa doorashadii Maanta oo sabti ah ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

- Advertisement -

Maamulka Galmudug ayaa nqoday maamulka ugu dambeeyay ee dhameystira doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, waxaana horey u dhameystiray maamul Goboleedyada, Jubbaland, Puntland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts