HomeWararBooliska oo Digniin kasoo saaray dhaca Muqdisho iyo Anshax xumada aaladda TIKTOK

Booliska oo Digniin kasoo saaray dhaca Muqdisho iyo Anshax xumada aaladda TIKTOK

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Taliyaha Ciidanka Booliska Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa ka hadlay dhaca burcada hubeysan ee xiliyada habeenkii ah ka geystaan Magaalada Muqdisho iyo falalka Anshax xumada ah ee ka socda Baraha bulshada gaar ahaan aaladda TikTok-ga. Taliye Xijaar oo la hadlay Telefashinka Dalsan ayaa u sheegay in Muqdisho ay maalmihii lasoo dhaafay kusoo bateen dhaca […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Taliyaha Ciidanka Booliska Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa ka hadlay dhaca burcada hubeysan ee xiliyada habeenkii ah ka geystaan Magaalada Muqdisho iyo falalka Anshax xumada ah ee ka socda Baraha bulshada gaar ahaan aaladda TikTok-ga.

Taliye Xijaar oo la hadlay Telefashinka Dalsan ayaa u sheegay in Muqdisho ay maalmihii lasoo dhaafay kusoo bateen dhaca ay burcada hubeysan u geysanayaan dadka shacabka ah oo ay ka qaatan Moobeelada iyo waxyaabaha kale oo wataan xiligaas.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Taliye Xijaar inuu Taliyeyaasha Ciidamada ee degmooyinka Gobolka Banaadir ku amray inay tallaabo ka qaadan cid kasta oo dhibaateyneyso shacabka Gobolka, isla markaana xusay inay muhiim tahay in shacabka ay nabadgalyo helaan.

Amniga Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayuu Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Soomaaliya sheegay inuu soo hagaagayay muddooyinkii dambe “Haddii aan fiirino amniga saddexdii bilood ama sanadkii lasoo dhaafay amniga Magaalada aadbuu u soo hagaagayey” ayuu yiri Taliyaha.

Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo sii hadlaayay ayaa waxaa uu sheegay in falal Anshax xumo ah ay ka socdaan Baraha bulshada gaar ahaan aaladda TikTok-ga oo uu sheegay in dhalinyarada Soomaalida qaarkood ay si anshax xumo ah ay u isticmaalaan aaladdaas.

- Advertisement -

Wuxuu intaas hadalkiisa kusii daray Taliye Xijaar in Ciidanka Booliska ay dagaal buuxa la geli doonaan dhalinyarada isticmaasha waxyaabaha maanka dooriya iyo falalka Anshax xumada ee dhalinta isugu jirta ragga iyo gabdhaha ay ka wadaan TikTok-ga.

Ugu dambeyn JeneraalXijaar ayaa caddeeyay in Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee Anshax xumada kusoo bandhiga aaladda TikTok-ga iyo kuwa isticmaala maandooriyeyaasha.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts