HomeWararDFS oo kala hadashay Midowga Afrika qorshaha la wareegidda Ciidamada Somalia ee...

DFS oo kala hadashay Midowga Afrika qorshaha la wareegidda Ciidamada Somalia ee amniga dalka

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa kulan kula qaatay Muqdisho, Ergeyga gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira. Kulankaan oo Maanta dhacay ayaa waxaa looga wada hadlay arrimaha ammaanka, doorashooyinka dalka ka socda iyo waajibaadka shaqo ee AMISOM, sida lagu shaaciyay Qoraal kasoo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa kulan kula qaatay Muqdisho, Ergeyga gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira.

Kulankaan oo Maanta dhacay ayaa waxaa looga wada hadlay arrimaha ammaanka, doorashooyinka dalka ka socda iyo waajibaadka shaqo ee AMISOM, sida lagu shaaciyay Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda xilgaarsiinta.

- Advertisement -

Inta uu socday sidoo kale kulanka dhexmaray Wasiir Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud iyo Ergeyga gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira ayaa looga arrinsaday Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya (STP) oo ah dhabbaha qura ee lagu gaari karo xasillooni, amni iyo dowlad-dhisidda.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo sida loogu baahan yahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii loo mideyn lahaa dadaallada lagu taageerayo qorshaha kala guurka ee Soomaaliya,  iyadoo laga duulayo sare u qaadida heerka diyaargarowga cutubyada ciidamada si ciidamadu ay u noqdaan kuwa dhufays u ah qaranka iyo gaashaan gabbaad ah.

Kulanka dhexmaray Wasiir Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud iyo Danjire Francisco Caetano Madeira ayaa waxaa kusoo aaday, iyada oo dhawaan dowladda Soomaaliya ka ceyrisay dalka ku-xigeenka Wakiilada Midowga Afrika Soomaaliya oo lagu eedeeyay inuu faraha la galay Arrimo ka baxsan waajibaadkiisa shaqo.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts