HomeWararGuddoomiyaha Guddi ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Puntland oo Is Casilay

Guddoomiyaha Guddi ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Puntland oo Is Casilay

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka  1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 3-aad  ee Kal-fadhiga 49-aad Golaha Wakiillada.

Kulanka ayaa Maanta waxaa Xildhibaannada loogu qaybiyey Ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhiga 49-aad, si waafaqsan qodobka 42-aad farqadiisa 4-aad  ee Xeer hoosaadka Golaha Wakiillada, kaas oo ay soo diyaariyeen Shir Guddoonka Golaha.

- Advertisement -

Sidoo kale Kulanka Maanta ayaa waxaa Golaha laga hor akhriyey warbixinta Guddiga joogtada ah ee Kal-fadhiga 49-aad, warbixintaas oo ku saabsanayd waxqabadka Guddiga joogtada ah ee muddadii u dhaxeysay labada Kalfadhi.

Dhinaca kalen, kadib markii uu 3 fadhi ka maqnaa Fadhiyada gudiga joogtada ah, isla markaana Golaha laga hor-akhriyey warqad Is-casilaada oo uu soo Guddoomiyaha Guddiga Siyaasada, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo xiriirka caalamiga ah, Cabdiraxmaan Diiriye Carab kaas oo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ka aqbalay, ayaa guddoomiyuhu waxa uu u soo jeeday in xubintaas buuxinteeda loo marayo habraaca Golaha Wakiillada, Gobolka Cayn-na ay soo gudbiyaan xubintii bedeli laheyd,

Latest stories