HomeWararTaliska AMISOM oo jawaab Culus ka bixiyay eedeeyn kaga timid Ahlu-Sunna

Taliska AMISOM oo jawaab Culus ka bixiyay eedeeyn kaga timid Ahlu-Sunna

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Taliska AMISOM ayaa beeniyay warar dhawanahaan si weyn la iskula dhexmarayay oo kua aaddan in Ciidanka nabad ilaalinta Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ay ka qayb qaateen dagaalkii dhawaan ak dhacay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud. War Qoraal ah oo kasoo baxay Talisa AMISOM ayaa lagu beeniyay eedeyntii kaga timid xoogagga Ahlu-Sunna oo horay u […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Taliska AMISOM ayaa beeniyay warar dhawanahaan si weyn la iskula dhexmarayay oo kua aaddan in Ciidanka nabad ilaalinta Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ay ka qayb qaateen dagaalkii dhawaan ak dhacay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

War Qoraal ah oo kasoo baxay Talisa AMISOM ayaa lagu beeniyay eedeyntii kaga timid xoogagga Ahlu-Sunna oo horay u sheegay in Ciidanka nabad ilaalintu ay qayb ka ahaayeen dagaalkaasi, iyagoo dowladda Garabsiinayay.

- Advertisement -

Bayaanka ayaa sidoo kale waxaa ay AMISOM ku sheegeen in marnaba aysan sina kaga qayb qaadan dagaaladii hubeysnaa ee dhiiga badani ku daatay ee dowladda iyo Ahlu Sunna Waljamaaca ku dhexmaray Guriceel.

“Ma jirto wax taageero ah oo aan siinay dowladda Soomaaliya heer qaran iyo heer gobol si ay ula dagaalamaan Ahlu Sunna Waljamaaca, sidoo kale sinaba ugama qeyb qaadan dagaaladii hubeysnaa ee dhiiga badan ku daatay ee dowladda iyo Ahlu Sunna Waljamaaca ku dhexmaray Guriceel” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Taliska AMISOM.

Dhawaan ayay ahayd markii hoggaanka ugu sarreeya Ahlu-Sunna ay sheegeen in Ciidanka  AMISOM ay qayb ka  ahaayeen dagaalkii Dowladda iyo Galmudug ay Ahlu-sunna kaga qabsadeen magaalada Guriceel oo markii hore ku dhacday gacanta Xoogagga ASWJ.

- Advertisement -

Waxaana Sheikh Maxamed Shaakir oo shir-jaraa’d qabtay dhawaan uu shaaca ka qaaday in Ciidanka Nabad uilaalintu ay kaalin weyn ku laahaayeen dagaalkaasi.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts