HomeWararFarmaajo oo kulan la yeeshay Wafdigii Dowladda Soomaaliya ee Kiiskii Badda

Farmaajo oo kulan la yeeshay Wafdigii Dowladda Soomaaliya ee Kiiskii Badda

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxtooyada ku qaabilay Guddiga Soomaaliya ee Kiiska Badda ayaa ku bogaadiyey doorka taariikhiga ah ee ay ka qaateen qadiyaddan Qaran iyo sida jiilasha soo socda ay tusaalaha ugu noqdeen dhanka difaaca Qarankeenna. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in guusha kiiska badda ay muujisay kobaca dareenka wadaniyadeed iyo midnimo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxtooyada ku qaabilay Guddiga Soomaaliya ee Kiiska Badda ayaa ku bogaadiyey doorka taariikhiga ah ee ay ka qaateen qadiyaddan Qaran iyo sida jiilasha soo socda ay tusaalaha ugu noqdeen dhanka difaaca Qarankeenna.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in guusha kiiska badda ay muujisay kobaca dareenka wadaniyadeed iyo midnimo ee shacabka Soomaaliyeed, isaga oo Guddiga uga warbixiyey sida shacabka Soomaaliyeed ay u xuseen guushan taariikhiga ah iyo damaashaadka ay ka dhigeen dal iyo dibadba.

- Advertisement -

“Waxuu ahaa halgan caddaaladeed oo ku astaysan aragti fog, aqoon durugsan, dhiiranaan, waddaniyad, ilaalinta ammaanada ummadda iyo difaaca dadka iyo dalka. Waxa guulaystay halgan dheer oo aannu u galnay difaaca ciiddeenna iyo sarreynta calankeenna.”

Farmaajo iyo Guddiga ayaa wadajir ugu duceeyey, Alle ha u naxariistee, Eng Maxamed Cumar Saalixi oo uu hammigiisu ahaa inuu goobjoog u ahaado miraha dadaalkii uu galiyay kiiskan, isaga oo ammaan iyo mahadcelin u soo jeediyey Qareennadii iyo khubarradii Soomaaliyeed ee u istaagay difaaca baddeenna oo ay ugu horreeyaan Drs. Muna Sharmaan.

Kulankan waxaa ku weheliyey Madaxweynaha, Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed iyo Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle.

- Advertisement -

Wafdigii dowladda Soomaaliya uga qeyb galay dhageysiga kiiska Dacwada Badda oo uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Xukuumadda dalka Mahadi Maxamed Guuleed Khadar ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, iyagoona loo sameeyay soo dhaweyn ballaaran.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts