HomeWararMahdi Guuleed "Maanta wuu Cad yahay xuduud biyeedka ay Somalia la leedahay...

Mahdi Guuleed “Maanta wuu Cad yahay xuduud biyeedka ay Somalia la leedahay Kenya”

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo hoggaaminayay wafdigii dowladda Federaalka u dirtay dhageysiga Go’aankii kiiskii  Badda ayaa ka hadlay guushii dowladda Soomaaliya ka gaartay kiiska Dacwada Badda. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo Warbaahinta kula hadlay Garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in guul taariikhi ah ay dowladda Federaalka kasoo gaartay kiiskii Dacadda Badda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo hoggaaminayay wafdigii dowladda Federaalka u dirtay dhageysiga Go’aankii kiiskii  Badda ayaa ka hadlay guushii dowladda Soomaaliya ka gaartay kiiska Dacwada Badda.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo Warbaahinta kula hadlay Garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in guul taariikhi ah ay dowladda Federaalka kasoo gaartay kiiskii Dacadda Badda ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Kenya, kaasi oo ay xumisay Maxkamadda ICJ.

- Advertisement -

Mahdi Guuleed ayaa sheegay in Soomaaliya haatan ay leedahay Bad, uuna Cad yahay xuduudka Badda ee dowladda la leedahay Kenya, laguna sugay sharciga Caalamiga ah, taasina ay tahay guul u soo hoyatay dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda ayaa dhammaan Madaxda dowladihii Sheekh Shariif Sh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxda haatan talada dalka heysa uga mahadceliyay doorkii ay ka qaateen difaaca Badda Soomaaliya ee muranka ay gelisay Kenya iyo cid kasta oo ka qeyb qaadatay guusha u soo hoyatay DFS.

“Maanta wuu Cad yahay xuduud badeedka aan la leenahay Kenya halka uu gaarsiisan yahay, Soomaaliya waa ay guuleysatay saddexda xeer ee Arrinta Baddu tahay Soomaaliya ayaa ku guuleysatay” ayuu yiri Mahdi Guuleed oo ka mahadceliyay soo dhaweyn Muqdisho loogu sameeyay isaga iyo wafdigii uu hoggaaminayay ee dowladda u dirtay Magaalada Hague.

- Advertisement -

Maxkamadda Cadaalada Aduunka ee ICJ ayaa 12-kii boshaan Octoober go’aan ka gaartay kiiskii dacwadda badda ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya, waxaana ICJ ay sameysay xariiq cusub oo ah xuduud badeedka labada dal, inta badan dhul-badeedkii ay sheegatay Kenya waa la diiday, waxaana loo xukumay Soomaaliya.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts